Jir, caafimaad iyo jinsinimo oo afaf kala duwan ah

Xilliga baaluqa

Puberty

Warbixin ku saabsan filimka

Xilliga baaluqa jirku wuu koraa - ilmo illaa qof weyn. Tusaale ahaan qofku timo ayuu ku yeeshaa aagga xubinta taranka, waxaana dhacda inuu in ka badan intii hore galmo ka fakero. Gabdhuhu waxay helaan caadadooda ugu horreysa, wiilashana shahwo-baxooda ugu horreeya. Taa micneheedu waxay tahay in la uureysan karo ama qof uur loo yeeli karo. Filimkaan waxaad ka ogaaneysaa marka la baaluqayo sida ay jirka iyo dareemadu isku baddelaan iyo halka aad tagi karto haddaad su’aal ama shaki qabto.

Su'aalo ka fakerid mudan filimka ka dib

  1. Wax cusub ma ku baratay daawashada filimka?
  2. Dad badan ayaa damacooda jinsi iyo seego ogaada waxay yihiin xilliga baaluqa. Qaarna waxaa la baray inay seegadu tahay wax khatar ah ama wax xun. Taasi dhab maaha. Waa maxay waxyaalaha ay seegadu ku wanaagsan tahay?
  3. Xilliga baaluqa wuxuu kicin karaa dareemo badan oo kala duwan. Maxay noqon karaan kuwaasu? Sidee loo taageeri karaa qof u arka inuu baaluqu dhib tahay? Sidee loo taageeri karaa qof dareemaya inuu jirkiisu isku beddelayo hab aan waafaqsanayn jinsiga uu qofku u dareensan yahay inuu yahay?

Ma dooneysaa inaad filimka ka hadasho?

In qof filimka lagala sheekeysto waxaa loo arki karaa muhiim, waxayna dhalin kartaa fahan cusub. Waxaa laga yaabaa inaad qabto su'aalo iyo fikrado ay ku wanaagsan tahay inaad dadka kale la wadaagto meeshii aad keligaa ka fikiri lahayd. Marka wax la wada qaybsado oo la is maqlo, waxaan heli karnaa taageero oo wadajir ayaynu wax ku baran karnaa.

Ma dooneysaa inaad koox abaabusho oo aad aflaanta ka hadasho? Halkaan ayaad ka heleysaa talooyin ku saabsan sida aad samayn karto.

Aflaan la xiriira

Muuji dhammaan aflaanta