
Xubinta taranka dumarka
Female genitals
Caado waa dhiig ka yimaada siilka oo bil walba ku dhacda gabdhaha iyo dumarka. Filimka waxaad ka ogaaneysaa caadadu waxa ay tahay, waxyaalaha aad isaga ilaalin karto inuu dhiigga caadada kugu da’o iyo waxa aad samayn karto haddaad caadada ku xanuunsato. Waxaad iyana heleysaa warbixin ku saabsan xilliga bisha aad uurka qaadi karto.
In qof filimka lagala sheekeysto waxaa loo arki karaa muhiim, waxayna dhalin kartaa fahan cusub. Waxaa laga yaabaa inaad qabto su'aalo iyo fikrado ay ku wanaagsan tahay inaad dadka kale la wadaagto meeshii aad keligaa ka fikiri lahayd. Marka wax la wada qaybsado oo la is maqlo, waxaan heli karnaa taageero oo wadajir ayaynu wax ku baran karnaa.
Ma dooneysaa inaad koox abaabusho oo aad aflaanta ka hadasho? Halkaan ayaad ka heleysaa talooyin ku saabsan sida aad samayn karto.