Jir, caafimaad iyo jinsinimo oo afaf kala duwan ah

Xubinta taranka dumarka

Female genitals

Warbixin ku saabsan filimka

Filimka xubinta taranka dumarka waxaad ka ogaaneysaa muuqaalka gumaarka iyo siilka, iyo sida ay u shaqeeyaan. Waxaad sidoo kale baranaeysaa waxa ku dhaca saxaaxa markaad kacsato, micnaha naafaynta saxaaxa ama gudniika iyo sida, inta la nool yahay, ay xubinta taranku isku baddesho. 

Su'aalo ka fakerid mudan filimka ka dib

  1. Filimku ma leeyahay waxyaalo aadan hore u ogayn? Maxay ku wanaagsan tahay in la yeesho aqoonta xubnaha taranka?
  2. Ereyadee ayay luqaddaadu u leedahay jinsiga gabdhaha iyo dumarka? Ereyo kala duwan miyay ku kala habboon yihiin xaalado kala duwan? Ereygee ama ereyadee ayaad isticmaashaa adigu? 
  3. Dadka qaar ayaa ka xishooda ama welwel ka qaba muuqaalka, udugta ama dhadhanka siilka. Taasu waxay adkayn kartaa ku raaxaysiga galmada. Maxaa la samayn karaa si dareemadaas oo kale looga hortago?

Ma dooneysaa inaad filimka ka hadasho?

In qof filimka lagala sheekeysto waxaa loo arki karaa muhiim, waxayna dhalin kartaa fahan cusub. Waxaa laga yaabaa inaad qabto su'aalo iyo fikrado ay ku wanaagsan tahay inaad dadka kale la wadaagto meeshii aad keligaa ka fikiri lahayd. Marka wax la wada qaybsado oo la is maqlo, waxaan heli karnaa taageero oo wadajir ayaynu wax ku baran karnaa.

Ma dooneysaa inaad koox abaabusho oo aad aflaanta ka hadasho? Halkaan ayaad ka heleysaa talooyin ku saabsan sida aad samayn karto.

Aflaan la xiriira

Muuji dhammaan aflaanta