Jir, caafimaad iyo jinsinimo oo afaf kala duwan ah

Ummulidda

Giving birth

Warbixin ku saabsan filimka

Filimka ummulidda wuxuu ku saabsan yahay sida Iswiidhan loo dhaliyo haweenka ummulaya, laga billaabo foosha ilaa iyo inta uu ilmuhu ka dhalanayo. Waxaad ogaaneysaa sida aad u diyaargaroobi karto iyo haddaad gudan tahay, caawimaadda aad ummulidda ka hor heli karto. Waxaad iyana heleysaa warbixin ku saabsan sida uu u dhaco qalliinka hooyada ilmaheeda looga soo saarayo. 

Su'aalo ka fakerid mudan filimka ka dib

  1. Maxay kula tahay inay muhiim yihiin in laga ogaado foosha?
  2. Dadka qaar ayaa dareema welwel iyo walbahaar foosha ka hor. Maxaa taas sabab u noqon kara? Sideed u yarayn kartaa cabsidaada iyo walbahaarkaaga xagga foosha?
  3. Maxaa la samayn karaa si loo dareemo nasteexada ugu badan ee suurogalka ah marka la foolanayo? Maxay ummulisadu samayn kartaa? Muxuu lammaanuhu samayn karaa?

Ma dooneysaa inaad filimka ka hadasho?

In qof filimka lagala sheekeysto waxaa loo arki karaa muhiim, waxayna dhalin kartaa fahan cusub. Waxaa laga yaabaa inaad qabto su'aalo iyo fikrado ay ku wanaagsan tahay inaad dadka kale la wadaagto meeshii aad keligaa ka fikiri lahayd. Marka wax la wada qaybsado oo la is maqlo, waxaan heli karnaa taageero oo wadajir ayaynu wax ku baran karnaa.

Ma dooneysaa inaad koox abaabusho oo aad aflaanta ka hadasho? Halkaan ayaad ka heleysaa talooyin ku saabsan sida aad samayn karto.

Aflaan la xiriira

Muuji dhammaan aflaanta