Jir, caafimaad iyo jinsinimo oo afaf kala duwan ah

Tacaddiga la xiriira galmada

Sexual violence

Warbixin ku saabsan filimka

Tacaddiga la xiriira galmada waa iyadoo fal galmeed lagula kaco qof aan raalli ka ahayn, tusaale ahaan in qof aan rabin loo galmoodo. Filimka tacaddiga galmada waxaad ka ogaaneysaa falceliska bannaan muddada kufsiga uu socdo iyo kufsiga dabadii iyo halka aad tagi karto haddii lagu kufsaday. Waxaad iyana heleysaa warbixin ku saabsan waxa sharciga Iswiidhan uu qorayo. 

Su'aalo ka fakerid mudan filimka ka dib

  1. Filimka maxaa kaaga baxay? Ma jiraan wax si gaar kuu taabanaya?
  2. Khasab ma aha in lamaanaha lala galmoodo, xataa haddii la is qabo. Wax adag miyey noqon kartaa in la yiraahdo "ma doonayo galmo"? Sidee loo oran karaa oo loo muujin karaa maya? Maxaad dareemi kartaa haddii qudhaada maya lagu yiraahdo, habkee ayaana ugu wanaagsan in taas lagu maareeyo?
  3. Sidee loo taageeri karaa qof loo geystay xadgudub galmo? Xaggee caawimo loo raadsan karaa?

Ma dooneysaa inaad filimka ka hadasho?

In qof filimka lagala sheekeysto waxaa loo arki karaa muhiim, waxayna dhalin kartaa fahan cusub. Waxaa laga yaabaa inaad qabto su'aalo iyo fikrado ay ku wanaagsan tahay inaad dadka kale la wadaagto meeshii aad keligaa ka fikiri lahayd. Marka wax la wada qaybsado oo la is maqlo, waxaan heli karnaa taageero oo wadajir ayaynu wax ku baran karnaa.

Ma dooneysaa inaad koox abaabusho oo aad aflaanta ka hadasho? Halkaan ayaad ka heleysaa talooyin ku saabsan sida aad samayn karto.

Aflaan la xiriira

Muuji dhammaan aflaanta