Jir, caafimaad iyo jinsinimo oo afaf kala duwan ah

Cudurrada galmada

Sexually transmitted infections

Warbixin ku saabsan filimka

Filimka cudurrada galmada waxaad ka heleysaa warbixin ku saabsan cudurrada galmada lagu kala qaado, tusaale ahaan klamidiya, herbes iyo HIV. Waxaad ogaaneysaa sida ay cudurrada kala duwani u faafaan, iyo sida aad isaga ilaalin karto adigoo isticmaalaya cinjirka galmada. Waxaad iyana heleysaa warbixin ku saabsan halka aad isaga baari karto inuu ku hayo cudur galmo. 

Su'aalo ka fakerid mudan filimka ka dib

  1. Filimku ma leeyahay waxyaalo aadan hore u ogayn?
  2. Waxaa jira khuraafaadyo iyo cuqdado badan oo ku saabsan cudurrada galmada. Cudurrada galmadu kuma faafaan dhunkasho, hab-isa-siin, cunto la wadaago ama suuli la wadaago. Sideen uga hortagi karnaa khuraafaadyada noocaas ah?
  3. Cinjirka galmadu si aad u wanaagsan ayuu dadka uga ilaaliyaa cudurrada galmada. Sidee baa lammaane loogala hadli karaa galmo badbaado leh? Ma jiraan siyaabo wanaagsan oo lagu soo jeediyo in cinjir galmo la isticmaalo? 

Ma dooneysaa inaad filimka ka hadasho?

In qof filimka lagala sheekeysto waxaa loo arki karaa muhiim, waxayna dhalin kartaa fahan cusub. Waxaa laga yaabaa inaad qabto su'aalo iyo fikrado ay ku wanaagsan tahay inaad dadka kale la wadaagto meeshii aad keligaa ka fikiri lahayd. Marka wax la wada qaybsado oo la is maqlo, waxaan heli karnaa taageero oo wadajir ayaynu wax ku baran karnaa.

Ma dooneysaa inaad koox abaabusho oo aad aflaanta ka hadasho? Halkaan ayaad ka heleysaa talooyin ku saabsan sida aad samayn karto.

Aflaan la xiriira

Muuji dhammaan aflaanta