Jir, caafimaad iyo jinsinimo oo afaf kala duwan ah

Tani waa RFSU

This is RFSU

RFSU waa hay’ad iswiidhish ah oo ka shaqaysa warbixinta iyo siyaasadda arrimaha galmada. Waxaynu nahay urur xubineed, dimuqraadi ah, aan faa'iidodoon ahayn oo siyaasad iyo diin ka madaxbannaan. RFSU waxay ka shaqeysaa Iswiidhan, waxayna taageertaa ururrrada kale ee ka jira dalalka kala duwan ee adduunka. 

Hadafkayagu

RFSU waxay ka talisaa adduunyo ay dhammaan dadku xor u yihiin inay go'aamiyaan oo ku raaxeystaan jirkooda iyo jinsinimadooda. Waana tan aan u halgameynay tan iyo markii la aasaasay ururkayaga 1933:

“Waxaan ku riyoonayaa maalinta, dhammaan carruurta dhalataa lagu soo dhaweeyo adduunka, dhammaan ragga iyo dumarku ay siman yihiin, jinsinimaduna tahay wax lagu muujiyo dhawaansho, kalgacayl iyo raaxo.”
– Aasaasaha RFSU Elise Ottosen-Jensen

RFSU waxay dooneysaa inay beddesho oo wanaajiso nolosha dadka. Waxaynu dooneynaa inay dhammaan dadku dareemaan wanaag xagga jirkooda, xiriirradooda iyo jinsinimadooda. Micno ma leh qofka aad tahay ama halka aad deggan tahay. Waxaynu u shaqeynaa inay tanu dadka oo dhan xaqiiqo u noqoto.

Ma dooneysaa inaad  ogaato faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan RFSU? Halkaan ayay ku taal warbixin dheeraad ah (af-ingiriisi).

Xubin ka noqo!

Adigaaga ku nool Iswiidhan waxaad xubin ka noqon kartaa RFSU (af-ingiriisi). Xubin ahaan waxaad qayb ka tahay halganka loogu jiro xuquuqda ay dhammaan dadka ku dareemaan wanaag xaga jirkooda, xiriirradooda iyo jinsinimadooda. Taas waxaa u dheer inaad hesho aqoon dheeraad ah iyo fursad aad arrimahaas nagula danayso. La xiriir (af-ingiriisi) mid ka mid ah ururrada muxalliga ah ee RFSU ee kaa ag dhow.

RFSU waa xubin ka tirsan hay’adda caalamiga ah ee IPPF, International Planned Parenthood Federation. Haddaad ku nooshahay meel ka baxsan Iswiidhan, waxaad raadsan kartaa urur xubin laga noqdo (af-ingiriisi) oo ku yaal dalka ama gobolka aad ku nooshahay si aad halganka uga qayb qaadato.