Ka hel Iswiidhan daryeelka kugu habboon
Finding your way in the Swedish healthcare system
Miyaad qabtaa su'aalo ku saabsan jirka iyo jinsinnimada? Waxaa jira caawimo iyo taageero badan oo la heli karo.
Macluumaad la soo dejisan karo
Xuquuqaha xagga adeegga daryeelka
Waxaad xaq u leedahay inaad iskaaga u doorato xarunta daryeel ee aad dooneyso inaad tagto. Waxaa muhiim ah inaad is diiwaangeliso oo aad doorato xaruntaada daryeel. Haddaad leedahay Bank-ID, waxaad ballamo ka qabsan kartaa rugo caafimaad oo kala duwan adigoo u maraya e-adeegyada bogga shabakadda 1177.
Primary care
Daryeelka aasaasiga waa meesha ugu horreysa ee aad qabanayso haddaad xanuunsato. Waxaad had iyo goor talobixin u wacan kartaa 1177. Daryeelka aasaasiga ah wuxuu ka kooban yahay xarumo daryeel, oo kaa caawinaya dhibaatooyinka caafimaad aan degdegga ahayn. Haddaad degdeg u xanuunsato, waxaad wacaysaa 112 ama waxaad tageysaa rug gargaar degdeg ee isbitaal.
Waajib sir-xajin
Dhammaan dadka ka shaqeeya daryeelka caafimaadka waxaa saaran waajib sir-xajin. Taas micneheedu wuxuu yahay in aan loo oggolayn inay qof u shegaan (tusaale ahaan booliska, Hay’dda socdaalka ama kuwo kale) inaad la joogtay.
Turjumaan
Haddaadan af-iswiidhish ku hadlin, waxaad xaq u leedahay turjumaan. Soo-sheeg inaad turjumaan u baahan tahay markaad ballanta qabsanayso. Haddaad ballan la leedahay takhtar oo aadan hore turjumaan u qabsan, waxay shaqaalaha daryeelku wici karaan xarunta turjumaanka si loo helo turjumaan telefoon.
Magangalyodoon iyo dad warqado la'aan ah
Iswiidhan waxay dhammaan carruurta iyo dhallinyarada 18-jirka ka yar xaq u leeyihiin daryeel caafimaad iyo daryeel ilko. Haddaad 18-jir ka weyn tahay, waxaad xaq u leedahay ”daryeel aan laga maarmi karin” xitaa haddaadan lambar aqoonsi lahayn. Daryeelku wuu ka badan yahay daryeel degdeg ah oo qur ah. Oo waxaa iyana ka mid ah daryeelka xilliga uurka iyo foosha, uur iska soo rididda iyo talobixinta kahortagga uuraysiga. Waa shaqaalaha daryeelka kuwa qiimeynaya inaad daryeel u baahan tahay iyo in kale.
- LMA-kaar. Markaad magangelyo ka codsato Iswiidhan, Hay’adda socdaalka waxaad ugu horreyn ka heleysaa rasiidh caddaynaya codsigaaga, ka dibna LMA-kaar. Isticmaal LMA-kaarka ama rasiidhka si aad ballan daryeel u qabsato ama aad daawo u soo qaadato.
- Lambar kumeelgaar ah. Haddaad tahay qof warqad la’aan ah oo aadan lahayn warqad aqoonsi lambar aqoonsi leh, lambar kumeelgaar ah ayaad heleysaa markaad daryeel raadsato. Lambarku wuxuu uun ka soconayaa adeegyada daryeelka caafimaad. Isku day inaad lambar kumeelgaar ah oo isku mid ah isticmaasho mar kasta oo aad daryeel raadsanayso.
Khidmado bukaan
Badanaa khidmad ayaad ka bixineysaa adeegsyada daryeelka. Booqashada dumarka uurka leh ee rugta ummulisooyinka waa bilaash. Baaritaannada kansarka naasaha (mammografi) iyo afka ilmogaleenka (tijaabada unugyada) waa bilaash. Tijaabinta iyo daaweynta cudurrada galmada badankood waa bilaash.
Telefoon-lambarro muhiim ah
- Qaylodhaanta SOS ee gargaarka degdegga ah (ambalaas): 112
- Talobixin daryeel iyo caafimaad (aan degdeg ahayn): 1177
- Talobixin daryeel iyo caafimaad oo af-soomaali ah: 0771-11 77 91