Jir, caafimaad iyo jinsinimo oo afaf kala duwan ah

Xubinta taranka ragga

Male genitals

Warbixin ku saabsan filimka

Filimka xubinta taranka ragga waxaad ka ogaaneysaa muuqaalka guska iyo qooraha, iyo sida ay u shaqeeyaan. Waxaad iyana ogaaneysaa micnaha gudniinka ragga iyo sida, inta la nool yahay, ay xubinta taranku isku baddesho. Waxaad sidoo kale ogaaneysaa halka aad tagi karto haddii uusan gusku kuu kaceynin iyo waxa taas kallifi kara.

Su'aalo ka fakerid mudan filimka ka dib

  1. Filimku ma leeyahay waxyaalo aadan hore u ogayn? Maxay ku wanaagsan tahay in la yeesho aqoonta xubnaha taranka?
  2. Dhammaan xubnaha taranku muuqaalkoodu wuu kala duwan yahay, balse dadka qaar ayaa ka murugeysan ama ka welwelsan in guskoodu uusan in ku filan weynayn. Maxaa taas ugu wacan? Sidee loo taageeri karaa qof sidaas dareemaya?
  3. Maxaa ugu wacnaan kara inay adkaato in laga hadlo xubno taran iyo jinsinimo? Ma isku si ayaa looga hadlaa jinsiga ragga iyo dumarka?

Ma dooneysaa inaad filimka ka hadasho?

In qof filimka lagala sheekeysto waxaa loo arki karaa muhiim, waxayna dhalin kartaa fahan cusub. Waxaa laga yaabaa inaad qabto su'aalo iyo fikrado ay ku wanaagsan tahay inaad dadka kale la wadaagto meeshii aad keligaa ka fikiri lahayd. Marka wax la wada qaybsado oo la is maqlo, waxaan heli karnaa taageero oo wadajir ayaynu wax ku baran karnaa.

Ma dooneysaa inaad koox abaabusho oo aad aflaanta ka hadasho? Halkaan ayaad ka heleysaa talooyin ku saabsan sida aad samayn karto.

Aflaan la xiriira

Muuji dhammaan aflaanta