Jir, caafimaad iyo jinsinimo oo afaf kala duwan ah

Gudniinka

Genital mutilation

Warbixin ku saabsan filimka

Naafaynta saxaaxa dumarka ama gudniinka waa marka la gooyo ama la dhaawaco qeybo ka mid ah xubinta taranka gabadha ama haweeneyda. Taasu waa ka mamnuuc Iswiidhan iyo dalal kale oo badan. Filimkaan waxaad ka ogaaneysaa faahfaahinta noocyada kala duwan ee gudniinka iyo dhibaatooyinka uu dumarka u keeni karo. Waxaad iyana ogaaneysaa halka aad caawimaadda ka heli karto haddaad tahay qof falkaa loo geystay. 

Su'aalo ka fakerid mudan filimka ka dib

  1. Waa maxay fikradaha ama dareemada uu filimku kugu kicinayo?
  2. Qof xubintiisa taranka la naafeeyay wuu suurtogal inuu dareemo rabitaan, raaxo galmo iyo kacsi naafaynta. Maxaa ka mid ah siyaabaha qof xubintiisa taranka la naafeeyay uu galmo ugu raaxaysan karo?
  3. Maxay waalidku samayn karaan haddaysan doonayn in gabdhahooda xubintooda taran ka naafeeyo, balse dadka kale ee ay la joogaan ay taas ka filayaan? Waa maxay taageerada ay waalidku u baahan karaan?

Ma dooneysaa inaad filimka ka hadasho?

In qof filimka lagala sheekeysto waxaa loo arki karaa muhiim, waxayna dhalin kartaa fahan cusub. Waxaa laga yaabaa inaad qabto su'aalo iyo fikrado ay ku wanaagsan tahay inaad dadka kale la wadaagto meeshii aad keligaa ka fikiri lahayd. Marka wax la wada qaybsado oo la is maqlo, waxaan heli karnaa taageero oo wadajir ayaynu wax ku baran karnaa.

Ma dooneysaa inaad koox abaabusho oo aad aflaanta ka hadasho? Halkaan ayaad ka heleysaa talooyin ku saabsan sida aad samayn karto.

Aflaan la xiriira

Muuji dhammaan aflaanta