Jir, caafimaad iyo jinsinimo oo afaf kala duwan ah

Dulmiga iyo tacaddiga la xiriira dhaqan sharafeedka

Honour-related violence and oppression

Warbixin ku saabsan filimka

Filimka dhaqan sharafeedka wuxuu ku saabsan yahay dulmiga iyo tacaddiga la xiriira dhaqankaas. Waa marka qaraabo ama xubno qoys ay ka taliyaan qofka jirkiisa, jinsigiisa iyo noloshiisa. Marmar waxaa taas la socda hanjabaad, gacanqaad iyo khasbid. Taas micneheedu waxay noqon kartaa inaan qofka loo oggolayn inuu cidda uu doono xiriir la yeesho ama inuu guur ka hor galmoodo. Waxaad kaloo ogaaneysaa waxa uu sharciga Iswiidhan qorayo iyo halka aad caawinaadda u raadsan karto. 

Su'aalo ka fakerid mudan filimka ka dib

  1. Ma jiraan waxyaalo filimka ku jira oo aad u aragto inay muhiimad dheeraad ah leeyihiin?
  2. Maxay ku kala duwan yihiin rajooyinka laga leeyahay wiilasha iyo gabdhaha xagga dhaqan sharafeedka? Sidee looga hortagi karaa kontoroolka, tacaddiga iyo dulmiga lagu geysto magaca sharafta? Sidee loo taageeri karaa qof dembi laga galay oo dhibbaane ah?
  3. Carruurtu xaq ayay u leeyihiin inay noloshooda ka taliyaan. Dhallinyaradu waxay tusaale ahaan xaq u leeyihiin inay doortaan cidda ay doonayaan inay la joogaan iyo inay yeeshaan nolol iyaga u gaar ah labadaba. Intee gaarsiisan yahay xadka waxyaalaha la oggol yahay inuu waalidku go'aamiyo?

Ma dooneysaa inaad filimka ka hadasho?

In qof filimka lagala sheekeysto waxaa loo arki karaa muhiim, waxayna dhalin kartaa fahan cusub. Waxaa laga yaabaa inaad qabto su'aalo iyo fikrado ay ku wanaagsan tahay inaad dadka kale la wadaagto meeshii aad keligaa ka fikiri lahayd. Marka wax la wada qaybsado oo la is maqlo, waxaan heli karnaa taageero oo wadajir ayaynu wax ku baran karnaa.

Ma dooneysaa inaad koox abaabusho oo aad aflaanta ka hadasho? Halkaan ayaad ka heleysaa talooyin ku saabsan sida aad samayn karto.

Aflaan la xiriira

Muuji dhammaan aflaanta