Jir, caafimaad iyo jinsinimo oo afaf kala duwan ah

Caado-goynta

Menopause

Warbixin ku saabsan filimka

Caado-goyn waxaa loo yaqaanaa xilliga aad joojiso caadada oo aadan uur dambe yeelan karin. Filimkaan waxaad ka ogaaneysaa waxa ku dhaca jirka iyo dabciga xilliga caado-goynta. Waxaad iyana heleysaa aqoon ku saabsan sida aad u yarayn karto dhibaha caadiga ah, tusaale ahaan haddaad aad u dhididdo ama aad dareemeyso inuu siilkaagu qallalan yahay. 

Su'aalo ka fakerid mudan filimka ka dib

  1. Filimka ma ku jiraan wax kaa yaabiyay?
  2. Dhammaan dadku way ku kala duwan yihiin siday xaaladdoodu caafimaadka tahay xilliga cisogoyska. Muxuu qofku qudhiisu samayn karaa si uu xaaladdiisa u wanaajiyo xilliga cisogoyska? Xaggee caawimo loo raadsan karaa hadday dhibaatooyin jiraan? 
  3. Rabitaanka galmoodku wuu kordhi karaa wuuna yaraan karaa xilliga cisogoyska. Da'da weyn macnaheedu khasab maaha inay nolosha galmadu dhammaatay. Maxaa la samayn karaa si loogu raaxaysto galmada hadday dhibaato jirto oo siilka qallayl laga dareemayo?

Ma dooneysaa inaad filimka ka hadasho?

In qof filimka lagala sheekeysto waxaa loo arki karaa muhiim, waxayna dhalin kartaa fahan cusub. Waxaa laga yaabaa inaad qabto su'aalo iyo fikrado ay ku wanaagsan tahay inaad dadka kale la wadaagto meeshii aad keligaa ka fikiri lahayd. Marka wax la wada qaybsado oo la is maqlo, waxaan heli karnaa taageero oo wadajir ayaynu wax ku baran karnaa.

Ma dooneysaa inaad koox abaabusho oo aad aflaanta ka hadasho? Halkaan ayaad ka heleysaa talooyin ku saabsan sida aad samayn karto.

Aflaan la xiriira

Muuji dhammaan aflaanta