Sidan ayaad samayn kartaa si aad u abaabusho koox wadahadal
Here's what you can do to start a discussion group
Ma dooneysaa inaad ka qaybqaadato halganka ah sida dhammaan dadku ay fursad ugu yeeshaan inay ka taliyaan kuna raaxaystaan jirkooda iyo jinsinimadooda? Abaabul koox wadahadal oo dadka kale kala sheekeyso aflaanta ku jirta goobtaan internetka! Halkan waxaa ah talooyin aad ku bilaabi karto:
1. Ururi koox
Weydii asxaabta, dadka aad wada shaqaysaan ama deriska inay doonayaan inay ka qaybgalaan. Go'aami goobta iyo goorta aad kulmi doontaan. Dooro aflaanta aad daawan doontaan iyo inaad dooneysaan inuu qof waliba iskiis aflaanta u daawado intaydan kulmin ka hor, ama inaad kulanka ku wada daawan doontaan.
2. Magacow hoggaamiye wada hadal
Adiga oo ah hoggaamiye wada hadal, doodda ayaad hoggamineysaa oo dhiirrigelineysaa. Tusaale ahaan waxaad jeedin kartaa su'aalo furan, waxaadna hubin kartaa inuu qof waliba fursad u helo inuu wax sheego.
3. Wadajir uga wadahadla aflaanta
Isla wadaaga waxa aad ku fakereysaan markaad aflaanta daawataan ka dib. Filim kasta wuxuu leeyahay su'aalo oo aad adiga oo ah hoggaamiye wadahadal u adeegsan kartaa hoggaaminta wadahadalka. Hadday jiraan su'aalo ay cidna idinka idin ka mid ah ka jawaabi karin, waxaad isku dayi kartaan inaad si wadajir ah jawaabta u wada raadisaan.
4. Qorsheeya kulanka xiga
Go'aansada goobta iyo goorta aad marka xigta kulmi doontaan, iyo aflaanta aad ka wadahadli doontaan markaas. Sidoo kale ka wadahadla bal inay jiraan wax aad dhammaantiin samayn kartaan si kulanka dambe uu u noqdo mid kan hore ka wanaagsan oo ka nasteexo badan.