Jir, caafimaad iyo jinsinimo oo afaf kala duwan ah

Macluumaadka bogga internetka

About the website

Boggaan internetka waxaad ka heleysaa warbixin luqado kala duwan oo ku saabsan jirka, caafimaadka iyo jinsinimada. Warbixinta waxaa ka mid ah aflaan, qoraallo iyo liisas ereybixineed. 

Bogga waxaa sameeyay ururka aan macaash doonka ahayn ee RFSU.

Maxay RFSU u samaysay boggaan internetka?

Jinsinimadu waa qayb ka mid ah nolosha waxayna saamaysaa wanaagayaga iyo caafimaadkayaga. Jinsinimadu waxay kaloo noqon kartaa il farxad iyo raynrayn.

RFSU waxay aamminsan tahay inay dadka oo dhan xaq u leeyihiin inay helaan macluumaad wanaagsan oo ku saabsan caafimaadka galmada oo cilmi ku salaysan. Haddaad leedahay aqoon ku saabsan jinsinimada iyo xuquuqdaada, waxaad haysataa fursado dheeraad ah oo aad ku gaari karto go'aanno ku saabsan waxa dareen ahaan u roon noloshaada iyo jirkaaga. 

Macno ma leh inta aad ka garanayso ama dareemada aad ka qabto mawduuca jinsinimada. Waxaan rajeyneynaa inay warbixinta ku taal boggaan noqoto mid waxtar kuu leh.

Ka qaybgal!

Inaad dad kale kala hadasho waxaad ku aragtay aflaanta aqoonkororsi ayay kuu noqon kartaa. Markaan dhegeysano su'aalaha iyo fikradaha dadka kale, waan is caawimi karnaa oo wadajir ayaynu wax u baran karnaa.

Ma doonaysaa inaad abaabusho koox oo aad aflaanta ka hadasho? Waxaan isku soo ururinnay talooyin iyo tusaalooyin ku saabsan sida aad taas u sameyn karto. Marka aflaanta ku taal goobtaan internetka aad kala hadasho dad kale, waxaad  wax ku kordhineysaa halganka loogu jiro xaqa qof kasta uu u leeyahay inuu ku caafimaadqabo jirkiisa iyo jinsigiisa.