Liiskan erayada wuxuu sharxayaa erayada ku saabsan caafimaadka galmada iyo tararnka iyo xuquuqdooda. Waxaad ka heleysaa erayo ku saabsan jidhka, dareemaha, xiriirka, galmada, aqoonsiga shakhsi, caafimaadka iyo sharciyada.
Dadkoo dhan waxay xaq u leeyihiin inay helaan aqoon ku saabsan mowduucyadan. Marka aad erayo ku magacaabi karto jidhka, xiriiryada iyo galmada waxaa sahal noqonaya:
in la fahmo oo la helo warbixin ku saabsan caafimaadkaaga
lala sheekeysto lammaanaha
la sharxo waxa aad uga baahan tahay xarunta daryeelka caafimaadka.
Liiska erayada waxaa lagu sameeyey Iswiidhan wuxuuna ka kooban yahay erayo la xiriira sharciyada Iswiidhan iyo nadaamka daryeelka caafimaadka Iswiidhan. Xitaa haddii aad deggan tahay waddan kale waad ka faaideysan kartaa erayada iyo sharaxaadda halkan ku qoran.
Hoos uga dhaadhac safxadda liiska si aad u aragto dhammaan erayada. Ma dooneysaa inaad si dhaqso ku hesho eray? Ku dhufo xarafka erayga uu ka bilowdo.
A
B
C
D
E
F
G
H
I
J
K
L
M
N
O
P
Q
R
S
T
U
V
W
X
Y
Z
Å
Ä
Ö
×
A
Abort
Ilmo soo ridid
Markuu qof uur leh uusan rabin ilmo, isbitaal ayuu ilmaha isaga soo ridi karaa. Ilmo soo rididda ka dib qofku wuxuu noqonayaa qof aan uur lahayn.
Adoption
Korsasho
Marka uu qof ama dhawr qof ay la wareegaan masuuliyadda ilmo yar oo aanay dhalin. Qofkaasi ama dadkaasi waxa ay waalid u noqonayaan ilmahaasi.
Akut p-piller
Kiniinka degdegga ee ka hortagga uurka
Kiniin degdeg loo qaadan karo, saddex ilaa shan maalmood ka dib, galmo aan loo isticmaalin wax uur aan la doonayn la isaga ilaaliyo.
Anal
Futada
Furitaanka futada. Sido kale loo yaqaan dabada.
Analsex
Galmada dabada
In galmo laga sameeyo futada gudaheeda ama hareeraheeda, iyadoo tusaale ahaan loo isticmaalo faro, carrab, qalab galmo ama gus.
Androlog
Takhtarka ragga
Takhtar takhasuskiisu uu yahay gus iyo kiish xiniinyo. Takhaatiirta raggu waxa ay khabiirro ku yihiin shaqada iyo cudurrada xubnaha taranka. Takhtarka raggu wuxuu xitaa ka jawaabi karaa su’aalo ku saabsan galmada.
Asexuell
Asexual
Qof asexual ah ma laha ama wuu ku yar yahay dareenka soo-jiidashada galmada ee uu u qabo dadka kale.
Assisterad befruktning
Taran kalkaalin
Marka hay’ad daryeel ay kalkaaliso lammaane ama qof raba inuu uur yeesho hase ahaatee aysan taas u suurtogaleynin caawimo la’aanteed. Tusaale ahaan waxaa taran kalkaalinta ka mid ah dumar shahwo lagu beero iyo IVF (dhalo ku bacrimin).
Avbrutet samlag
Galmo la joojiyay
Marka galmo la joojiyo ka hor intuusan gusku ku shahwo bixin siilka si ay shahwadu ugu daadato siilka dibeddiisa. Habkaani ma aha mid hubaal ah oo uur in la qaado looga hortagi karo.
B
Bakteriell vaginos
Bakteeriyada cambarka
Dheecaan ur leh ka soo baxa siilka. Bakteeriyada cambarka waxay la mecne tahay in aysan jirin isbeddel isu dheelli tiran ee u dhexeeya bakteeriyada siilka.
Balanit
Dhalfocaabuq (Balanit)
Caabuq ku dhaca dhalfaha guska ee keena inuu maqaarku casaado, inay ka soo baxaan finan yaryar oo guduudan ama in aagga dhalfaha iyo xitaa dhinaca hoose ee buuryada laga dareemo cuncun iyo danqasho.
Barnavårdscentral
Rugta caafimaadka carruurta
Rug ilmaha yaryari ay ka heli karaan baaritaanno caafimaad, tallaal iyo talobixin. Waxay qaabishaa ilmaha marka ay dhashaan ilaa ay ka billaabaan fasalka u diyaarinta iskuulka. Waxaa xitaa magaceeda loo soo gaabiyaa oo la yiraahdaa BVC.
Barnmisshandel
Jirdilka carruurta
Marka qof da’diisu ka yar tahay 18 jir loo geysto gacanqaad, xadgudub ama ay daryeeli waayaan waalidkiisa ama qof kale oo weyn oo ilmaha ka mas’uul ah. In ilmo la garaaco, xataa waalid ahaan, waa ka sharcidarro Iswiidhan iyadoon loo eegin hadday ujeeddadu barbaarin ilmo tahay.
Barnmorska
Ummuliso
Waxay ka shaqeysaa ummulinta, daryeelka caafimaadka hooyooyinka iyo talobixinta arrimmaha ku saabsan galmada, ka hortagga uurka iyo ilmo soo rididda.
Barnmorskemottagning
Rugta ummulisooyika
Rug caafimaad la tago marka uurka la leeyahay oo muddada uurku uu jiro oo dhan laga helo daryeel caafimaad iyo hubin. Waxaa iyana loo yaqaan Xarunta Daryeelka Hooyada ama MVC.
Barnpornografibrott
Dembi la xiriira sawirro ilmo loo galmoonayo ama qaawan
Dembi, ee qofka geystaa uu tusaale ahaan qaaday, hayay, faafiyay, iibiyay ama hab kale u gudbiyay sawirro ay ka muuqdaan dad aan weli gaarin xilliga baaluqa ama ka yar 18 jir, hab la xiriira galmo iyo qaawanaan.
Barnäktenskap
Guurka carruurta
Guur uu mid ka mid ah lammaanuhu ka yar yahay 18 jir. Dalka Iswiidhan lagama oggola guurka carruurta.
BB
Waadhka dhalmada
Qaybta aad joogi karto dhowr maalmood kadib dhalmada.
BDSM
BDSM
Waa xuruurfo u taagan ereybixin guud oo ka kooban erayada af-Ingriisiga: bondage and disciplin (xakamayn iyo edbin), domination and submission (awood u sheegasho iyo u sujuudid) iyo sadomasochism (in la is xanuujiyo oo sidaas kacsi lagu dareemo). Xaaladdaan waa mid ay tahay in dadka ka qeybqaadanaya ay raali isaga yihiin.
Befruktning
Bacriminta
Marka shahwada iyo ukunta ay ku kulmaan ugxan mareenka. Waxay ka dibna u kobcin karaan uur-jiifka hore oo ku dhegaya gidaarka ilma-galeenka.
Binda
Cudbiga caadodhawrka
Xalleef loo isticmaalo inuu dhiigga caadadu ku shubmo. Cudbiga caadodhawrka waxaa lagu dhajiyaa dharka hoosta laga qaato.
Bisexuell
Bisexual
Qof bisexual ah waa qof jeclaada iyo/ama doonaya inuu galmo la sameeyo qof jinsi kasta noqon kara.
Bitestikel
Xiniinlabaad (Epididymis)
Qayb ka mid ah xubnaha taranka ee ku jira jirka gudihiisa hadduu qofku gus leeyahay. Xiniinlabaadyadu waxay ku dhex jiraan kiishka xiniinyaha.
Blottning
Is-qaawin
Marka uu qof xubintiisa taranka ka muujiyo Internet ama uu dhab ahaan qof u tuso si uu meel uga dhaco ama dhibsi ugu abuuro. Sharci ahaan waxaa falkaas loo yaqaan faduulin galmo la xiriirta.
Blygdläppar
Dibnaha siilka
Laalaabka maqaarka ku wareegsan siilka, kintirka iyo kaadi mareenka. Waxaa jira dibnaha gudaha iyo kuwa dibedda.
Bröst
Naaso
Qaybaha jirka ee ku yaal jirka qaybta sare. Naasuhu waxay ka kooban yihiin waxyaabo ay ka mid yihiin nudaha baruur iyo qanjirrada caanaha.
Bröstvårtor
Ibta naasaha
Meel wareeg ah oo ku yaala bartamaha xabadka oo ka soo baxaya laabta. Qaybta ku wareegsan ibta sidoo kale loo yaqaan hareeraha ibta.
Bög
Khaniis
Ereyga caadiga ah ee loo garanayo nin homosexual ah.
C
Cellprovtagning
Tijaabada unugga
Tijaabo lagu baarayo haddii ay jiraan isbeddello xagga unugyada afka ilmogaleenka ah, isbeddeladaas oo keeni kara kansarka ilmogaleenka.
Cysta
Barar dheecan leh
Barar oo dareere ka buuxo oo ka iman kara xubnaha jirka intiisa badan, oo ay ka mid yihiin ugxan-sidaha.
D
Dejta
Shuukansi
In aad la kulanto ama aad la baxdo qof aad xiiseynaysiid in galmo la sameeysid ama xiriir la yeelato.
Diskriminering
Takoor
In qof si xun loola dhaqmo ama loo bahdilo iyada oo ay taas sabab u yihiin qofka jinsigiisa, jihaynta galmadiisa, aqoonsigiisa jinsi, diintiisa, asalkiisa, da’diisa ama naafonimadiisa. Eeg dembiyada naceybka, homofobi, transfobi, cunsurinimada, nacaybka naafada, xaqirid jinsi, sinnaanta ragga iyo dumarka iyo sinnaanta.
E
Embryo
Abuur billow ahe
Abuurka billowga ahi wuxuu sameysmaa marka ugaxdu iyo shahwadu ay midoobaan. Taas waxaa loo yaqaan bacrimin. Abuurku wuxuu dabadeed ku koraa ilmogaleenka ilaa uu ka noqonayo uurjiif dabadeedna ilmo.
Endometrios
Endometriosis
Marka xuubka ilma-galeenka ku baxdo, inta badan ee ku yaala ugxan mareenka ama caloosha. Endometriosis wuxuu keeni karaa xanuun aad u daran oo la xidhiidha caadada.
Engångsligg
Galmada hal mar
Qof aad galmo la sameeysid hal mar.
Ensamstående förälder
Waalid keligiis ah
Qof waalid ah oo aan xiriir jacayl la lahayn ilmaha waalidkiisa kale.
Erektil dysfunktion
Awood la’aanta kacsiga
Way adag tahay inaad awood u yeelatid kacsasho ama aad sii haysid taagnida guska, xitaa haddii aad dareentid rabitaanka galmo. Sidoo kale lo yaqaan kacsiga jilcay.
Qof waagii hore lammaane ahaan jiray balse hadda la kala tagay.
F
Fetisch
Jamasho
Marka shay ama xubin jidhka ka mid ah oo aan loo arkaynin wax la xiriira galmada oo keenaya fiicnaan xoog leh, soo jiidashada galmada iyo kacsiga, tuusale ahaan sida cagaha ama maqaar.
Si aad u muujiso xiisaha qof aad jeceshahay, qof aad rabto inaad shuukaansi iyo galmo la yeelatid. Sidoo kale loo yaqaan ugaarso.
Flytningar
Dheecaan
Qoyaanka ka soo baxa siilka si uu u nadiifiyo oo u caafimaad u siiyo.
Foster
Uurjiif
Uurjiifku waa abuur bilow ah oo ku samaysma ilmogaleenka dhexdiisa muddo 9 toddobaad ah marka ay haweenaydu uur qaaddo.
Fostervattenprov
Tijaabka biyaha uur-jiifka
Baaritaan loogu talagalay si aad u ogaato haddii ay jiraan wax isbedel ah koromosoomyada ee uur-jiifka.
Framfall
Prolapse
In wax ka soo baxo hoosta siilka ama daloolka siilka. Tusaale ahaan derbiyada siilka, ilma-galeenka, kaadiheysta ama malawadka oo hoos u dhacaya.
Frenulum
Frenulum
Maqaarka u dhexeeya dhalfada iyo guska. Sidoo kale waxaa loo yaqaan xarriga.
Frivilligt sex när förövaren är nära 15-årsgränsen
Galmo ikhtiiyari ah marka dembiilahu u dhow yahay da’da 15-jir
Haddii ay caddahay in falku uusan ku lug lahayn wax xadgudub oo loo geystay ilmaha, iyada oo la tixgelinayo farqiga yar ee da’da u dhexeeysa qofki geystay falalka iyo ilmaha sidoo kale xaaladaha guud ahaan, dembiiluhu maaha in la xukumo.
Funkofobi
Nacaybka naafada
Dabeecadaha xun, ra’yiga ama dareenka xun ee loo hayo dadka naafada ah, sida dadka ku fadhiya kursiga curyaanka, dadka indhoolaha ama dhegoolaha. Waxa kale oo lala beegsan karaa dadka qaba jirro daba-dheer sida HIV-ga.
Förhud
Buuryada
Maqaarka khafiifka ah ee ku fadhiya dhalfada guska ama kintirka.
Förhudsförträngning
Ciriiriga buuryada
Marka buuryada ay cidhiidhi tahay oo aan dib loo celin karo dhalfada. Mararka qaarkood buuryada waxay ku dhegi kartaa dhalfada hoosteeda, mana soo jiidan karto ama dib u noqon kartaa.
Förlossning
Dhalmada
Dhalmadu waa marka ilmuhu dhasho. Dhalmadu waxay noqon kartaa mid siilka ah - iyada oo loo marayo siilka - ama iyada oo loo marayo qaybta qalliinka.
Förlossningsavdelning
Qaybta dhalmada
Qaybta isbitaalka aad ku dhaleyso cunuga.
Förlossningsdepression
Niyad jabka dhalmada
Murugada la xiriirta markaad carrur dhasho.
Förlossningsrädsla
Cabsida dhalmada
Walaaca iyo cabsida dhallida carruurta kahor.
Förlossningsskador
Dhaawaca dhalmada
Dhaawaca ama dillaacin oo dhici kara xagga taranka xilliga dhalmada.
Qoyaan ka soo baxa guska mararka qaarkood, marka qofka kacsi hayo laakiinse aan ahayn biyobax.
Förtal
Aflagaaddo
In war laga faafiyo qof oo dadka kale loo sheego si ay u rumaystaan inuu qofkaasi yahay mid xun oo dhaqan xun leh.
G
G-punktsområdet
Aagga barta G
Meel qallafsan oo wax yar gudaha ugu jirta siilka. Meeshaa waxaa ku kulma kintirka, kaadimareenka iyo gidaarka hore ee siilka.
Glidmedel
Kareemka galmada
Kareem galmo loo isticmaali karo, kaas oo yaraynaya isliska, galmadana ka shigaya mid raaxo leh. Waxaa la marin karaa guska dushiisa, siilka iyo futada gudahooda.
Gnidsex
Galmada marmarinta
Galmo ah in xubin taran la marmariyo ama lagu riixo qof kale xubintiisa taranka ama meel kale oo qofkaas jirkiisa ka mid ah.
Gonorré
Jabto
Jabtadu waa cudur galmada lagu kala qaado oo inta badan aan lahayn wax astaamo ah laakiin keeni kara xanfaf ama dhibsasho marka la kaadinayo, dheecaan baddelan oo ka yimaada siilka, kaadimareenka ama futada ama xanuun xagga hoose ee caloosha ama kiishka xiniinyaha. Jabto aan la daaweynin waxay sababi kartaa madhaleysnimo. Cudurkaani waa mid qallajiye (antibiotik) lagu daaweyn karo. Jabtadu waxay ka mid tahay cudurrada hoos yimaada Sharciga ka hortagga cudurrada faafa.
Gravid
Uur leh
Waa marka uu uurjiif ku jiro ilmogaleenka, kaas oo ku yaal caloosha. Caadi ahaan, wakhtiga uurku waa sagaal bilood.
Graviditetstest
Tijaabada uurka
Baaritaanka aad sameyn kartid si aad u ogaato haddii aad uur leedahay. Tijaabada sida loo sameeyo waa in loogu kaadsho saad qiyaas ah.
Grooming
Grooming
Marka qof qangaadh ah uu soo jeediyo in uu la kulmo ilmo da’diisu ka yar tahay 15 sano, inta badan internet-ka, ujeedaduna tahay inuu galo weerar galmo. Waa sharci darro. Sharci ahaan waxaa loogu yeeraa xiriirka carruurta ee ujeedooyinka galmada.
Gruppsex
Galmo kooxeed
Marka in ka badan laba qof ayaa isku galmoodaan isla mar.
Gynekolog
Takhtarka dumarka
Takhtar takhasuskiisu uu yahay vulva iyo siil. Takhaatiirta dumarka waxay khabiirro ku yihiin uurka, shaqada iyo cudurrada xubinta taranka. Takhtarka dumarka wuxuu xitaa ka jawaabi karaa su’aalo ku saabsan galmada.
Gynekologisk undersökning
Baaritaanka caafimaadka dumarka
Baaritaan siilka ah ayaa lagu sameeyaa isbitaal, xarun caafimaad ama xarunta soo dhaweynta dhalinyarada.
Göra slut
Kala tagid
In la joojiyo xiriirka. Marka la kala tago, ma isla socdaan lammaanaha.
H
Ha lust
Rabitaan
Si aad u dareento rabitaan xoog leh. Mararka qaarkood waxay ku saabsan tahay rabitaanka galmada.
Hallick
Fataal
Eeg ereyga Fataalid.
Hatbrott
Dembiyada naceybka
Waa iyada oo qof loo geysto fal dembi, sida hanjabaad ama jirdil, ujeeddada laga leeyahayna ay tahay sharafdhac ku saleysan qofka hannaankiisa galmo, aqoosiga jinsigiisa, midabkiisa, diinta uu aaminsan yahay, qawmiyaddiisa iyo asalkiisa.
Hbtqi-person
Qof LGBTQI ah
Erey wadajir ah oo ka kooban xuruufo u taagan dad ah bisexual, homosexual, transjender, queer ama intersexual.
Hedersrelaterat förtryck och våld
Cadaadis iyo gacanqaad la xiriira dhaqan-sharafeedka
Waa marka qof, badanaa gabar dhallin yar, uu dadka u dhow kala kulmo xannibaad iyo ilaalin, ujeeddada ilaalintuna ay tahay badbaadada ama soo celinta sharafta iyo sumcadda qoyska. Sharci ahaan waxay noqon kartaa hanjabaad sharcidarro ah, jirdil, guur khasab ah, dil iwm.
Hen
-
Magacuyaal dhexdhexaad ah. Ereyga Hen sidoo kale waxaa loo isticmaalaa magacuyaal dhexdhexaad ahaan markuu jinsigu uusan xiiso lahayn.
Hepatit
Cagaarshow
Cagaarshow waa caabuq ku dhaca beerka. Waxaa jira noocyo kala duwan oo cagaarshow ah. Kuwa ugu caadisan waa cagaarshow A, cagaarshow B iyo cagaarshow C. Cagaarshowga waxaa sababa fayras.
Herpes
Herbes
Herbes wuxuu ku dhacaa afka iyo xubinta taranka. Herbesku wuxuu leeyahay nabarro dheecaan leh iyo nabarro leh cuncun, mudmud iyo xanuun farabadan ama kuwo aan haba yaraatee waxba laga dareemin. Si fudud ayaa herbeska la isku qabadsiin karaa.
Heterosexuell
Heterosexual
Qof heterosexual ah wuxuu caashaqaa oo/ama doonayaa inuu galmo la sameeyo qof jinsi cakis ku ah leh.
Hiv
HIV
HIV waa fayras ay dadku kala qaadaan. Tusaale ahaan markay cinjirka galmada la’aantiis galmoodaan ama hal cirbad wada isticmaalaan. HIV wuxuu dhaawacaa habdhiska difaaca jirka. Haddaan daawo loo qaadan wuxuu HIV isku baddelaa AIDS, kaas oo ah cudur dilaa ah. Marka HIV daawo loo qaato cidna lama qabadsiin karo, iskuma baddelayo AIDS, waxaana la noolaanayaa wakhti la mid ah dadka kale. Dhammaan dadka ku dhaqan Iswiidhan xaq ayey u leeyihiin tijaabo iyo daawo HIV oo bilaash ah.
Homofobi
Homofobia
Fikrado, ra'yi, ama dareemo taban oo ku wajahan dadka bisexualka iyo homosexualka ah ama sideedaba bisexualnimada iyo homosexualnimada. Badanaa waxaa lagu muujiyaa cuqdad, quudhsi, caro, nacayb ama gacanqaad.
Homosexuell
Homosexual
Nin homosexual ah wuxuu jeclaadaa oo/ama doonayaa inuu galmo la sameeyo rag. Haweeney homosexual ah waxay jeclaataa/ama doonaysaa inay galmo la sameyso dumar.
HPV (humant papillomvirus)
HPV (human papillomavirus ama babilloma-fayraska dadka)
Fayras caadi ah oo noocyo kala duwan leh. Qaar ka mid ah noocyada fayrasku waxay keenaan burooyin ka soo baxa xubinta taranka (kondilom) ama isbeddello unugyo. Halka noocyada kale ee fayrasku ay keenaan burooyin ka soo baxa gacmaha iyo lugaha.
HPV-vaccination
Tallaalka HPV
Tallaal ka difaacaya noocyada HPV qaarkood oo sababi kara isbeddellada unugyada afka ilma-galeenka oo keeni kara kansarka ilma-galeenka.
Hångla
Salaaxaya
In jidhka la isku soo dhaweeyo oo la is dhunkado, habsiiyo iyo la isku salaaxo dhar la’aan ama iyadoo dhar la xiran yahay.
I
Ickebinär
Aan baynari ahayn
Qof aan kala dareemayn in uu nin ama naag yahay.
Incest
Incest
Waa marka qof xidhiidh dhow la leh ilmo uu ilmahaasi u geysto xadgudub galmo. Qofkaasi tusaale ahaan wuxuu noqon karaa waalid, awoowe ama walaal ilmahaas ka weyn. Sharci ahaan waxay noqon kartaa kufsi ilmo, haddii ilmahaasi uu ka yar yahay 18 jir, u galmood ilmo aad dhashay ama u galmood walaal.
Infertil
Madhalays
Marka qofku uur aanu qaadi karin ama aanu cid kale uurayn karin.
Informationsplikt
Waajibka sheegista
Xeer habraac ah oo khuseeya dadka qaba cudurrada galmada lagu kala qaado, sida HIV, kalamiidiya ama jabto. Xeerkani wuxuu qofka cudurka qabaa farayaa inuu cudurkiisa u sii sheego qofka uu u u galmoon rabo. Waa takhaatiir kuwa qofka cudurka qaba si rasmi ah u saaraya waajibka sheegista cudurka, waana takhaatiir iyana kuwa bukaanka waajibkaas ka qaadi kara xaaladaha qaarkood.
Inseminering
Bacrinta
Si hab dhaweeyn ah shahwad loogu meeleeyo ilma-galeenka si qofka uu uuraysto.
Intersexvariation
Intersex variation
Waa ereybixin guud ee loo adeegsado qof leh astaamo jireed oo kala duwan oo aan jinsigiisa si fudud loo astayn karin oo aan la waafajin karin nidaamka kala saarka jinsiga ee bulshada, micnihii aan ahayn “nin” ama “naag” toos ah. Intersex variationku wuxuu khusayn karaa xubnaha taranka muuqda iyo/ama kuwa daahsoon, koromosoomyada iyo heerarka hoormoonnada.
IVF
IVF (dhalo ku bacrimin)
IVF waa daryeel ah in ugax lagu bacrimiyo shahwo meel ka baxsan jirka. Ugax la bacrimiyey waxaa loo yaqaan abuur billow ah. Dhawr maalmood bacriminta ka dib wuxuu takhtarku abuurka bilowga ahi ku beeraa ilmogaleenka. IVF waxaa iyana loo yaqaan “dhalo ku bacrimin”.
J
Juridiskt kön
Jinsi sharci ah
Jinsiga u qoran qof ku jira diiwaanka, sida diiwaanka dadweynaha iyo baasaboorka.
Jämlikhet
Sinnaanta
Marka dad ka tirsan kooxo kala duwan lala dhaqmo si isku mid ah, ayna leeyihin xuquuq iyo fursado isku mid ah si ay u qaabeeyan noloshooda oo ay si firfircoon uga qayb qaataan bulshada.
Jämställdhet
Sinnaanta ragga iyo dumarka
Sinnaantu waa marka ragga iyo dumarku ay leeyihiin fursado isku mid ah ay ku saameeyaan bulshada iyo noloshooda gaarka ah. Si ay ragga iyo dumarku u yeeshaan awood isku mid ah waa inay leeyihiin fursado, xuquuqo iyo waajibaadyo isku mid ah.
K
Kejsarsnitt
Qalliinka dhalmada
Qalliinka micnaheedu waa in takhtar jeexayo caloosha iyo ilma-galeenka si uu uga soo saaro ilmaha.
Kirurg
Takhtarka qalliinka
Takhtar ku takhasusay samaynta qalliinka.
Klamydia
Kalamiidiya
Kalamiidiya waa cudur galmada lagu kala qaado oo inta badan aan lahayn wax astaamo ah laakiin keeni kara xanfaf ama dhibsasho marka la kaadinayo, dheecaan baddelan oo ka yimaada siilka, kaadimareenka ama futada ama xanuun xagga hoose ee caloosha. Kalamiidiya aan la daaweynin waxay sababi kartaa madhaleysnimo. Cudurkaani waa mid qallajiye (antibiotik) lagu daaweyn karo, wuxuuna ka mid yahay cudurrada hoos yimaada Sharciga ka hortagga cudurrada faafa.
Klimakterie
Cisagoyska
Waqtiga nolosha marka ay caadada joogsatay. Inta badan 50 sano marka la gaadho.
Klitoris
Kintir
Qayb siilka ka mid ah. Waxay ku taal meel ka yara sarreysa afka kaadimareenka. Afka hore ee kintirka, oo loo yaqaan dhalfada kintirka, waa mid aad ugu nugul taabashada.
Klitoris ollon
Dhalfada kintirka
Dhalfada kintirka waa qayb ka mid ah kintirka oo ka muuqda jidhka baanaankiisa. Waa mid u nugul ah taabashada.
Knulla
Wasmo
In galmo lala sameeyo hal ama dhowr qof oo kale.
Knullkompis
Saxiibka galmada
Qof aad la galmootid laakiin aad aan jeclayn. Sido kale loo yaqaan ‘KK’ oo loo eegi karaa xiriirka galmada.
Kondom
Cinjir
Maadada ka hortagga uurka ee laga sameeyey caag. Waxaa loo gashada guska si looga hortago gudbinta cudurrada xubinta taranka iyo uurka aan la rabin.
Kondylom
Kondiloom
Kondiloom waa cudur galmada lagu kala qaado oo keeni kara inay burooyin ka soo baxaan xubinta taranka. Burooyinku waxay yeelan karaan cuncun, xanfaf ama mudmud.
Koppleri
Fataalid
Inad saamayn ku yeelatid maskaxda qofka inuu galmo lacag ku bedesho ama ka faa’iideysato xaaladda oo kale si aad lacag u hesho.
Krama
Habsiin
Cid kalgacayl dartii ama salaan ahaan isku duubid.
Kroppsvätska
Dheecaanka jidhka
Wax qoyaan ka soo baxa jidhka. Tusaale dareerayaasha jidhka waa dhiig, saxaro, saliidayn iyo abuurka.
KSK (kvinnor som har sex med kvinnor)
HIG (haweenka isku galmooda)
Ereyga loogu talagalay dadka isu yaqaana haweenka ee galmo la yeesha haweenka kale.
KUB-test
Tijaabada KUB
Saami dhiig iyo codka ultrada oo lagu baarayo uurjiif ku jira caloosha qof uur leh.
Kuk
Gus
Xubnaha taranka ragga. Inta badan wa erey ka daran guska.
Kurator
La taliye
Waxay u shaqeyaan taageeridda dadka calool xumo dareemaya, iyadoo la adeegsanayo hadal taageero ah. La taliyaha wuxuu ka shaqeeyaa tusaale ahaan isbitaalada iyo dugsiyada.
Kvinnofridskränkning
Ku xadgudubka nabadda dumarka
Markuu nin uu kula kaco haweeneey uu la nool yahay weerar habaysan oo xad-gudub ah. Tusaale ahaan, iyada oo la garaacay, lagu qasbey in ay galmooto, iyada loo geestay xadgudub maskaxeed ama laga xadiday inay ka tagto guriga.
Kvinnojour, tjejjour
Heeganka dumarka, heeganka gabdhaha
Hay’ad taageerta oo caawisa dumarka iyo transjenderka uu qof ay xigto yihiin u geysatay gacanqaad, tusaale ahaan hooy ayaa laga heli karaa haddii qofka dumarka ahi loo hanjabayo.
Kvinnoklinik
Rugta caafimaadka dumarka
Rug caafimaad oo daaweeya cudurrada khuseeya dadka ilmogaleenka leh. Xaammilo ayaa halkan imaan karta, waxyaalaha halkaan lagu qabto waxaa ka mid ah baaritaanka codka ultrada ee uurjiifka. Waxay ku taal isbitaallada waaweyn badidood.
Kyssa
Dhunkasho
In afka la isku dhunkado iyada oo carabka uu carabka kale taabanayo.
Kåt
Kacsi
Dareenka jirka ee qofka doonaya galmo inuu isku sameeyo ama qof kale ku sameeyo.
Känna olust
Dhibsanaya
Wax marka aan la jaclaysan ama loo arko wax aan raaxo lahayn.
Kön
Jinsi
Inta badan waxaa loola jeedaa qof lab ama dheddig. Jinsi wuxuu sidoo kale macnaheedu noqon karaa xubnaha taranka.
Könsbaserat våld
Tacaddiga la xiriira jinsiga
Gacanqaadka loo geysto dumarka iyo dadka LGBTQI. Badiyaa waa nooc ka mid ah tacaddiga iyo xadgudubka la xiriira galmada. Eeg ka ganacsiga dadka ujeedka galmada, xoog u sheegadka lammaanaha, ku xadgudubka nabadda dumarka iyo heeganka dumarka/ heeganka gabdhaha. Eeg xitaa xadgudubyo galmo iyo caadooyin waxyeello leh.
Könsbekräftande behandling
Daryeelka sixidda jinsiga
Daryeel ku aaddan in la beddelo jirka qofka si uu u waafaqo aqoonsigiisa jinsi, sida nin, naag ama jinsi dhexe. Daryeelku wuxuu noqon karaa in qalliin lagu sameeyo xubinta taranka ama in hormoonno la qaato si loo beddelo muuqaalka jirka. Dad badan, ma aha dhammaan, oo transjender ah ayaa waxay jecel yihiin inay maraan nooc ka mid ah daryeelka sixidda jinsiga.
Könsdysfori
Niyad xumada jinsiga
Ooganshaha xaqiiqda ah in jidhkiisu uusan waafaqsanen nooca jinsi ee qofka Qofka qaba niyad xumada jinsiga ayaa laga yaabaa inuu rabo daryeelka xaqiijinta jinsiga.
Infekshanka ku dhaco qof aanu markuu la sameeyo galmo aan la ilaalin qof kale oo qaba cudurada xubinta taranka.
Könsstympning
Naafaynta xubinta taranka
In kintirka la gooyo ama la dhaawaco. Mararka qaarkood waxaa xataa la gooyaa dibnaha waaweyn iyo/ama dibnaha yaryar ee siilka, kadibna waxaa la isku toli karaa afka siilka. Waxaa loo arkaa inay taasu tahay dembi xooggan oo ka dhan ah xuquuqda aadanaha, waana ka sharcidarro dalka Iswiidhan. Sidoo kale waa sharci darro in la qorsheeyo, la isku dayo, la diyaariyo ama la geeyo gabadh ama haweeney dal kale si loo gudo. Naafaynta xubinta taranka waxaa mararka qaarkood loogu yeeraa gudniinka dumarka.
Könsutredning
Baaritaanka jinsiga
Baaritaan lagu ogaanayo in qofku xaq u leeyahay xaqiijinta jinsiga galmo oo lacag la’aan ah. Dhammaan cidda lagu sheego niyad xumida jinsiga ayaa wuxuu xaq u leeyahay daryeelkan. Cilmi-baarista waxaa sameeya koox takhasus u leh isbitaalka.
Qayb ka mid ah xubnaha taranka ee dadka siilka leh. Ilmogaleenku wuxuu ku yaal jirka gudihiisa, caloosha dhexdeeda. Halkan ayuuna uurjiifku ku jiraa xilliga uurka.
Livmoderhals
Luqunta ilmogaleenka
Qaybta hoose ee ilmogaleenka – taas oo sidoo kale ah qaybta ugu dhuuban ee ilmogaleenka. Luqunta ilmogaleenku waxay ku dhammaataa oo xagga hore kaga yaal afka ilmogaleenka.
Livmodertapp
Afka ilmogaleenka
Qayb ka mid ah ilmogaleenka oo ah afka laga soo galo ilmogaleenka marka laga yimaado siilka.
Nooca xanuun joojiye ah ee aad neefsatid markaad xanuunka foosha ku qabto. Gaaska suuxinta ayaa loo isticmaala si gaar ah marka dhalaysid.
Läkare
Takhtar
Wuxuu ka shaqeeya daaweynta jirrada ama dhaawaca iyo ka hortagga caafimaad darrada.
M
Mammografi
Baaritaanka naasaha
Baaritaanka raajada ee naasaha ee loo sameeyay si loo ogaado fiixda iyo burooyinka.
Mansmottagning
Rugta qaabilaadda ragga
Qof kasta oo isu aqoonsada inuu yahay nin oo/ama gus leh ayaa u doonan kara daryeel, taageero iyo wadahadal. Rugta qaabilaadda raggu waa rug ugu horrayn ka shaqaysa galmada iyo xiriirka.
Mellangård
Perineum
Halka u dhexeeysa futada iyo siilka ama futada iyo kiishka xiniinyaha.
Mens
Caadada
Dhiiga ka soo baxa siilka oo ka yimid ilmo-galeenka. Wuxuu u yimaadaa si joogto ah, hal mar bishii, laga bilaabo baaluqnimada.
Menskopp
Koobka caadada
Caadodhawr wakthiga caadada la isticmaali karo. Koobka caadada waxaa la geliyaa siilka oo wuxuu ururiyaa dhiigga.
Mensvärk
Xanuunka caadada
Xanuunka aad dareentid xilliga caadada.
Missfall
Dhicinta uur-jiifka
Marka jidhka u joojiyo uurka inta aanu ilmuhu dhalan.
Monoamorös
Monoamorous
Qofka monoamorouska ah wuxuu doonayaa xiriir monogamous ah, macnihii inuu hal qof uun markiiba xiriir la leeyahay.
Monogam relation
Hal xaas qabid
Xiriir halka kuwa qayb ka ah isku raaceen in aysan yeelan xiriir galmo ama jacayl dad kale oo ka baxsan xiriirkooda.
MSM (män som har sex med män)
RIG (ragga isku galmada)
Ereyga loogu talagalay dadka isu yaqaana rag iyo kuwa galmo la yeesha ragga kale.
Mykoplasma genitalium
Mykoplasma genitalium
Mycoplasma waa bakteeriya cuncun ku dhalin karta xubinta hoose ee taranka, keeni kartana inuu dheecaan ka yimaado guska ama siilka. Waxay iyana xanuujin kartaa qaybta hoose ee caloosha ama kiishka xiniinyaha.
Myom
Mioma
Burocaanood ku samaysmi karta nudo-muruqeedyada ilmogaleenka. Mioma waxaa iyana loo yqaan guntin-muruqeed. Mioma aad ayay caadi u tahay, ku dhowaad kala bar dhammaan dadka ilmogaleenka leh ayaa mioma leh.
Månggifte
Gododlayn
Markuu qof guursado in ka badan hal qof. Iswiidhan lagama oggola in dhawr qof la isku guursado. Dembiga waxaa la yiraahdaa ‘tvegifte’ (laba qof isku qabid).
Människohandel för sexuella ändamål
Ka ganacsiga dadka ujeedka galmada
Qof aad u qasabtid ama khiyaamayso adiga oo u raraya, guddoomaya, ama u gudbinaya si uu qofkaa inuu sameeyo adeegyo galmo.
N
Nedsatt sexlust
Niyad galmada hoos u dhacay
Rabitaan la’aan inaad galmo sameyso ama aadan rabin galmo sida mararka hore aad rabtay.
Njuta
Raaxeysi
Marka wax dareen wanaagsan leh ama ka farxiya.
O
Ollon
Dhalfada
Qayb ka mid ah guska. Dhalfada wuxuu ku fadhiyaa guska korkiisa oo ah qaybta ugu nugul guska.
Omskärelse
Gudniin
In guska laga gooyo dhammaan ama qaybo ka mid ah buuryada. Mararka qaarkood waxaa iyana ereyga gudniin loo isticmaalaa naafaynta xubinta taranka dumarka.
Onanera
Siigeysi
Inaad aad isu galmoonayso. Marka siigaynayso waa caadi in la salaaxo xubnaha taranka, futada ama qaybaha kale ee jidhka.
Oralsex
Galmada afka
Si aad u galmootid afkaaga adigoo dhunkanaya, lalaaleynaya ama aad u nuugtay xubinta taranka qof kale.
Orgasm
Biyobax
Dareen raaxo leh oo uu qofku heli karo markuu naftiisa ama dad kale u galmoodo. Biyobaxu wuxuu keenaa in murqaha aagga xubinta taranka ay isku soo ururaan.
Orgasmstörningar
-
Markuu biyo-baxa uu si dhaqso ku yimaado ama in aan caadi ahayn aad sugtid, mar dhif uu imaanayo ama uu maqnaanayo hallaabida biyo baxa wuxuu noqon kara in biyo baxu noqdo mid xun ama daciif ah.
Orosanmälan
Wargelinta xafiiska adeegga bulshada
Inaad u soo sheegto xafiiska adeegyada bulshada in aad ka walwalsan tahay in wax xumaan loo geesanayo ilmo. Macallimiinta, takhaatiirta ama shaqaalaha xannaanada carruurta ee ka welwelsan carruurta da’doodu ka yar tahay 18 jir ayaa looga baahan yahay inay soo gudbiyaan welwelka. Shakhsiyaadka gaarka ah qasab kuma ahan iney wargelin sameeyaan laakiinse iney sameeyaan ayaa wacan.
Oskuldskontroll
Baaritaanka bikradda
Marka qof uu sheeganaayo in uu baari karo haddii gabar ayla la galmootay ama aan galmoon dad kale, taas oo aan lagu ogaan karin hab baaritaan daawo. Shaqaalaha daryeelka caafimaadka ma baari karaan ama kama soo saari karaan shahaado ku saabsan arrintan, iyadoon loo eegin in qofku ogol yahay. Haddii baaritaanka uu kasoo horjeed rabitaanka gabadha markaa waa xadgudub.
Otrohet
Gogol-dhaaf
Wax galmo aad laa sameeyso qof kale oo aan ahayn qofka aad la nooshahay.
Oönskad graviditet
Uur aan la rabin
In uur la qaado iyadoon la doonayn.
P
P-piller
Kiniinka ka hortagga uurka
Kiniin qof ilmogaleen leh uu qaato hal mar maalintii oo looga hortago uurka. Kiniinka ka hortagga uurka waa qalab looga hortago uureysiga, waxaana la helaa isagoo noocyo kala duwan ah.
P-plåster
Sharootada ka hortagga uurka
Sharooto lagu dhejiyo qof ilmogaleen leh jirkiisa oo toddobaad ka dib laga baddelo. Sharootada ka hortagga uurka waa qalab looga hortago uureysiga.
P-punktsområdet
Aagga barta P
Aag ku yaal futada gudaheeda meel xooga ka sarreysa daloolka oo u nugul taabshada.
P-ring
Giraanka ka hortagga uurka
Giraanku waa qalab ka hortag uureysi. Waa giraan jilicsan oo caag ah oo uu qofku iskiisa u gashado siilka gudihiisa.
P-spruta
Cirbadda ka hortagga uurka
Cirbad uu qof leh ilmogaleen qaato saddexdii biloodba mar. Cirbaddu waa qalab ka hortag uureysi.
P-stav
Usha ka hortagga uurka
Ul yar oo jilicsan oo caag ah oo la hoos geliyo maqaarka cududda qof leh ilmogaleen. Ushu waa qalab ka hortag uureysi.
Partner
Lamaane
Qofka aad xiriir la leedahay iyada oo aan loo eegin jinsiga qofku leeyahay.
Partnervåld (mäns våld mot kvinnor i parrelation och våld i nära parrelationer)
Xoog u sheegadka lammaanaha (Rabshadaha ragga ee ka dhanka ah haweenka xiriirka iyo rabshadaha ee xiriirada)
Marka qof si maskax ama jidh ahaan u bahdalo qof uu xiriir jacayl ka dhexeeyo.
Penis
Guska
Xubinta taranka ragga.
Perineum
Perineum
Halka u dhexeeysa futada iyo siilka ama futada iyo kiishka xiniinyaha.
Personlig integritet
Dhawrsanaan shakhsi ahaaneed
Eeg faafin sawirro galmo ee dad kale iyo aflagaaddo.
Pessar
Cinjirka galmada ee dumarka
Shay yar oo godan oo silikoon ka sameysan oo siilka laga soo geliyo laguna awdo afka ilmogaleenka. Cinjirka galmada ee dumarka waxaa lala isticmaalaa jel (maaddo xabag u eg). Cinjirka galmada ee dumarka waa qalab looga hortago uureysiga.
Taswiir iyo aflaan galmo oo ujeeddada laga leeyahay ay tahay in qofka daawanaya lagu abuuro hamuun galmo iyo kacsi. Waxaa iyana loo yaqaan porr.
Prematur ejakulation
Shahwada waqti hore ah
In la biyo baxo waqti ka horeysa waqtiga uu qofku rabo, waa wax dhib ku noqon kara qofka ama lamaanaha qofka.
Premenstruellt dysforiskt syndrom, (PMDS)
Bukto dhibsi leh ee ka horreysa caadada (PMDS)
Nooc ka adag PMS. Astaamaha bukatadu badanaa waa xagga dhimirka, sida niyadjab ama walaac. Dabciga oo is bedbeddela iyo daal waa astaamaha kale ee buktada.
Premenstruellt syndrom, (PMS)
Bukto ka horreysa caadada (PMS)
Dhibaatooyinka jirka iyo maskaxda ee qofka ku dhaca dhowr maalmood caadada biloowgeeda ka hor. Tusaale ahaan naasaha oo damqada, madax-xanuun, dabciga oo is bedbeddela, tabaryari iyo niyadjabsanaan.
Prep
Prep
Daawo la qaadan karo si loo yareeyo halista qaadista HIV.
Preventivmedel
Qalabka ka hortagga uureysiga
Qalabka ka hortagga uureysiga waxaa loo isticmaalaa in looga hortago uureysiga, waxaana loogu talagalay dadka raba galmada gus la dhex geliyo siil. Tusaalooyinka qalabka ka hortagga uureysiga waa cinjirka galmada, kiniinka ka hortagga uurka ama gariirad. Cinjirka galmada ayaa ah qalabka keliya ee kaa ilaalinaya uurka iyo cudurrada galmada.
Prostata
Qanjirka borostaataha
Waa qanjir ku yaal dadka guska leh jirkooda gudihiis, meel u dhexeysa kaadimareenka iyo malawadka. Wuxuu soo saaraa qayb ka mid ah dheecaanka ku jira shahwada.
Prostataundersökning
Baaritaanka qanjirka borostaataha
Baaritaanka qanjirka borostaataha, hababka loo sameeyo waa ama taabasho iyadoo gacanta laga soo geliyo malawadka ama dhiig qaadid.
Prostatit
Prostatit
Caabuqa qanjidhka prostataha. Nooca ugu badan waa prostatitiska waara. Waxaa kale oo loo yaqaana xanuunka waara ee gunta miskaha.
Prostitution
Dhillaysi
Eeg iibsiga galmada iyo fataalid.
Psykiatriker
Takhtarka maskaxda
Takhtar ku takhasusay cudurka maskaxda iyo xaaladdaha.
Psykolog
Cilmi-nafsiyaqaan
Wuxuu ka shaqeeyaa caafimaadka maskaxda. Tusaale ahaan, wuxuu caawimaad siin karaa dadka aan maskax ahaan ladneen. La hadlida cilmi-nafsiyaqaan waxaa lagu magacaabaa teraabiyada.
Pubertet
Baluuqnimada
Wakhtiga nolosha marka jidhku uu ka yimaado caruurnimo una gudb qaangaadh. Inta badan, baaluqnimada waxay dhacdaa inta u dhexeysa 8 iyo 13 sano jir.
Pubishår
Timaha shuunka
Timaha kasoo baxa agagaarka xubinta taranka. Waxa kale oo loo yaqaan timaha xubinta taranka.
Pulla
Farayn
Ereybixin loo adeegsado marka qof leh kintir, vulva iyo siil uu naftiisa u galmoonayo (seego). Ereyga micnihiisu wuxuu iyana noqon karaa markuu qof kale salaaxo kintir, vulva iyo siil.
Pung
Kiishka xiniinyaha
Kiish maqaar ah oo ku yaal guska hoostiisa. Xiniinyo iyo xiniinlabaadyo ayaa ku jira kiishka xiniinyaha.
Pussa
Dhunkasho
In dibnaha lagu riixo oo la dhunkado qof kale afkiisa ama jidhkiisa.
Q
Queer
Queer
Qofka queer ah wuxuu ka shikiyaya qiiyasta kala duwanaanshaha. Waxaa laga yaabaa inay khuseyso jihada galmada, aqoonsiga jinsiga ama sida qofku uu xiriir ula yeelanaayo dadka kale. Ereygu wuxuu leeyahay mecno badan.
R
Rasism
Cunsurinimada
Dabeecadaha xun, ra’yiga ama dareenka ka dhanka ah dadka leh maqaarka jidhka ee mugdiga madow ah ama ka soo horjeeda dadka leh asal, diin ama dhaqan kale oo aan aheyn tan uu leeyahay.
Rimming
Leefida dabada
Leefitaanka gudaha futada iyo hareeraha futada.
Runka
Siigeyso
Ereyada loogu talagalay siigaysiga guska. Tusaale ahaan, farahaaga ku salaaxidda xayndaabka dhalfada, ama jiidista buuryada hore iyo gadaal.
Ryggbedövning
Dawada suuxinta dhabarka
Suuxdinta loo isticmaali karo inta lagu jiro foosha ama haddii lagaa qallayo qaybta hoose ee jirka. Sidoo kale loo yaqaan epidural.
S
Sambo
Wada nool
Lammaane iyagoon isqabin wada nool.
Samlag
Isutag (galmo la xiriira)
Hab galmo loo sameeyo. Isutag macnihiisu waa galmo ah gus juqaynaya siil ama gus la gelinayo siil ama futo.
Samlagssmärta
Xanuunka galmada
Xanuun ku qabanaya markaad galmooto. Xanuunka waxaa laga dareemi karaa siilka, guska, kiishka xiniinyaha ama gudaha jirka.
Samlagsställning
Jagooyinka galmada
Habka jidhka dhinaca loo dhigo marka la galmoonaayho waxaa xitaa loo yaqaan is dhigidda.
Sesammottagning
Qaabilaada Sesam
Rugta qaabilaada halkaas oo aad u tagtaa inaad isku baadho oo aad hesho daaweynta cudurrada xubnaha taranka. Sidoo kale waxay leedahay talobixinta daawada ka hortaga uurka iyo talobixinta ku saabsan galmada iyo xiriirka.
Sex
Galmo
Wax samayntoodu dareen macaan leh. Galmadu waa wax aad dad kale la samayn kartid ama iskaaga isku samayn kartid. In la isu salsalaaxo ama la isutago ayaa ah dhawr tusaale oo galmada ka mid ah.
Sex mot ersättning
Ka ganacsiga galmada
Eeg iibsiga galmada iyo fataalid.
Sexdebut
Galmada ugu horreysa
Galmada ugu horreysa waxaa loola jeedaa marka ugu horreysa ee uu qof u galmoodo qof kale.
Sexism
Xaqirid jinsi
Dabeecadaha xun, ra’yiga ama dareenka ka dhanka ah haweenka iyo dadka loo arko haween ama dumar. Wuxuu kuu muujin karaa nacayb, quudhin, carro, nacayb ama rabshad ku saleysan qaababka awooda iyo caadooyinka.
Sexköp
Iibsiga galmada
In qof wax lagu siiyo in lala sameeyo ama lagu sameeyo wax galmo ku taxalluqa. Waa sharcidarro in la iibsado galmo, laakiin maaha sharcidarro in la iibiyo galmo.
Sexleksak
Alaabta ciyaaraha
Wax galmo lagu sameyn karo si wada jira qof kale ama keli ahaan. Tusaale, gus caag ah ama gariiriye.
Sexolog
La-taliyaha galmada
Wuxuu ka shaqeeyaa bixinta wada hadallo taageero ee ku saabsan arrimaha galmada iyo xiriirka dadka iyo lammaanahooda.
Sexställning
Jagooyin wasmo
Habka jidhka dhinaca loo dhigo marka la galmoonayo. Sido loo yaqaan booska galmada.
Sexuell läggning
Jihaynta galmada
Erey tilmaamaya jinsiga ay leeyihiin dadka uu qofku caashaqayo ama uu doonayo inuu u galmoodo. Jihaynta galmadu waxay tusaale ahaan noqon kartaa heterosexuality (nin iyo naag isku galmooda), bisexuality (qof nin iyo naagba u galmooda), homosexuality (khaniisnimo). Saddexdaas ayaa ah kuwa ku xusan sharciga ka hortagga takoorka.
Sexuell praktik
Tobobarka galmada
Siyaabo kala duwan oo galmo loo sameyn karo, tusaale ahaan galmo riix, galmada salaaxa, siigaysi iyo galmada siilka.
Sexuella fantasier
Khayaaliga galmada
Ka fekerka iyo riyooyinka ku jira waxyaabo galmada la xiriira.
Sexuella trakasserier
Dulmi galmo
Marka qof uu isku dayo inuu qof kale sharafdhac jinsi u geysto, tusaale ahaan marka la joogo goob shaqo ama iskuul. Shaqobixiyaha iyo iskuulka waxaa waajib ku ah inay taas oo kale ka hortagaan. Ururka shaqaaluhu gacan ayuu siin karaa qof halka uu ka shaqeynayo lagu dulmiyey. Eeg xitaa xadgudubyo galmo.
Sexuella övergrepp
Xadgudubyo galmo
In qof aan raali ka ahayn loo geysto fal galmo, tusaale ahaan in sawir laga qaado ama gacmaha lala galo qof jirkiisa isaga oo aan taas raali ka ahayn. Taas iyadoon loo eegin in xoog la adeegsaday ama in qofka falka geystay ama kan loo geystay ay isgaranayaan ama isqabaan. Eeg kufsi, xadgudub galmo iyo faduulin galmo la xiriirta.
Sexuella övergrepp mot barn
Xadgudubka galmada ee carruurta
Dalka Iswiidhan, qof ay da’diisu ka yar tahay 15 jir waxaa loo arkaa inuusan galmada ka bixin karin oggolaansho ansax ah. Sidaas darteed mabda’a asaasiga ahi waa inuu fal kasta oo galmo ah ee uu qof qaangaarnimo ciqaabeed gaaray kula kaco/la sameeyo qof 15 jir ka yar, yahay xadgudub galmo. Hadafku waa in carruurta laga ilaaliyo rabitaanka jinsiga dadka waaweyn, taas oo ka dhigan in carruurta da’doodu ay ka yar tahay 15 jir loo oggol yahay inay jinsinnimadooda la sahmiyaan carruur kale, oo aanay dembi ku ahayn hadday isku galmoodaan iyagoo raalli isaga ah. Eeg kufsi ilmo, carrur galmo looga faa’iidaystay, galmo ikhtiiyari ah marka dembiilahu u dhow yahay da’da 15-jir, dembi la xiriira sawirro ilmo loo galmoonayo ama qaawan, jirdilka carruurta, incest, grooming iyo baaritaanka bikradda.
Sexuellt ofredande
Faduulin galmo la xiriirta
In waxyaalo galmo la xiriira lagu sameeyo qof aan taas raalli ka ahayn tusaale ahaan inuu faduuliyuhu xubintiisa taranka oo qaawan si dhab ahaan ah ama internetka ka tuso dhibbanaha (waxa loo yaqaan is-qaawin) ama uu dhibbanaha jirkiisa taataabto. Eeg xadgudubyo galmo.
Sexuellt utnyttjande av barn
Carrur galmo looga faa’iidaystay
Haddii qof uu galmo la sameeyo ama ficil galmo kula kaco/ku sameeyo qof ka yar 15 sano, balse ay arrintu ka halis yar tahay kufsi. Tusaale ahaan, haddii qofku galmo la sameeyo qof ay da’diisu wax yar ka yar tahay 15 jir ayna taasu u dhacdo si ikhtiyaarnimo ah.
Sexuellt övergrepp
Xadgudub galmo
Markuu qof fal galmeed u geysto qof aan taas si xor ah uga qeybgalin oo falkaas galmeed sharciyan aan loo arag inuu yahay mid sharafdhiciisu kufsi gaarsiisan. Eeg kufsi.
Singel
Qof keli ah
Qof aan xidhiidh lammaane la lahayn qof kale.
Sjuksköterska
Kalkaaliso caafimaad
Waxay ka shaqaysaa daryeelka caafimaadka ee la taaban karo iyo mid cusbitaal. Waxaa jira noocyo kala duwan oo xirfadaha kalkaalisada caafimaadka oo la xidhiidha takhasuska qofku uu bartay.
Skadliga sedvänjor
Caadooyin waxyeello leh
Caadooyin ay ka mid yihiin gudniinka ama Iswiidhan markay noqoto guur sharcidarro ah, inta badan lagula kaco gabdho iyo dumar. Badanaa waxaa caadooyinkaas micnohoodu yahay ku xadgudub xuquuqda aadanaha iyo awood sheegasho. Eeg cadaadis iyo gacanqaad la xiriira dhaqan-sharafeedka, naafaynta xubinta taranka, guur khasab ah, guurka carruurta iyo gododlayn.
Skilja sig
Furriin
In guur jiray la joojiyo. Mar haddii la is furo, la isma qabo. Labada qofba way dalban karaan furriin, mana aha shardi in dalbashada furriinka heshiis lagu yahay.
Skilsmässa
Furriin
Si qofku uu u joojiyo guurka qof kale wuxuu qofku sameynayaa furriin. Dadkoo dhammi waxay xaq u leeyihiin iney dalbadaan furiinka, waxaana ku filan in mid ka mid ah lammaanaha uu doonayo iney kala tagaan.
Slemhinna
Xuub-axaleed
Maqaarka khafiifka ah ee qoyan ee ku yaalla meesha aan ka helno daloolyada jirka - tusaale ahaan, siilka, kaadi-mareenka, afka, futada iyo buuryada gudahiisa.
Slida
Siil
Siilku waa kanaal jilicsan oo jirka ku yaal, dhererkiisuna uu qiyaastii yahay 10 sentiimitir. Siilku wuxuu dhereran yahay laga bilaabo daloolka siilka ee xubinta hoose ee taranka ilaa iyo afka ilmogaleenka. Dhiigga caadada iyo dheecaannada siilka ayaa siilka ka yimaada. Markuu ilmo ku dhasho habka dhalmada dabiiciga ah wuxuu ka soo baxaa siilka. Waxaa iyana loo yaqaan dheer.
Slidkrans
Giraanka siilka
Maqaarka cidhifka duuduuban ee dhuuban oo qoyan, ee loo yaqaanno xuub-axaleedka. Giraantu waxay ku taallaa meel wax yar kasoo horeysa daloolka siilka.
Smeka
Istiimis
In gacmaha lagu salsalaaxo jirka qof kale ama jirkiisa isa salaaxo.
Dawladda waxaa saaran xil ah inay hubiso in aysan cudurrada qaarkood sida HIV, kalamiidiyada, jabtada iyo waraabowga faafin. Taas macnaheedu waa inay daruuri tahay in tallaabooyin cayiman la qaado marka la daaweynayo qof cudurka qaaday. Eeg sharciga ka hortagga cudurrada faafa, waajibka sheegista, raadraaca cudurrada faafa.
Smittskyddslagen
Sharciga ka hortagga cudurrada faafa
Sharci looga hortagayo faafka cudurrada qaarkood sida tusaale ahaan kalamiidiyada, jabtada, HIV iyo waraabowga. Sharciga ka hortagga cudurrada faafa wuxuu dhigayaa in dadka oo dhammi ay xaq u leeyihiin inay bilaash isaga baaraan cudurrada galmada lagu kala qaado iyo in dadka qaba infekshanka ay helaan daaweyn lacag la’aan ah. Wuxuu kale oo sharcigani qeexayaa mas’uuliyadda dawladda ee ka hortagga faafka cudurrada.
Smittspårning
Raadraaca cudurrada faafa
Qof laga helay infekshanno qaarkood, sida jabto ama HIV waa inuu shaqaalaha caafimaadka u sheegaa dhammaan dadka uu galmo la yeeshay, si dadkaas loogu fidiyo fursad ay isku baaraan oo ay ku ogaadaan inay infekshanka qaadeen.
Smärtlindring
Xanuun jebin
Dawada yareysa xanuunka.
Snippa
Siil
Eregya xubinta taranka gabdhaha yaryar.
Snopp
Gus
Ereyga xubinta taranka wiilasha.
Sperma
Shahwad
Dareeraha ku jira shahwad kasoo baxda guska ee ka kooban unugyada jinsiga ragga.
Spiral
Gariirad
Waxaa laga soo geliyaa siilka, waxaana lagu meeleeyaa ilmogaleenka. Waxaa jira laba nooc oo gariirado ah: gariirad hormoon ah iyo gariirad naxaas ah. Gariiraddu waa qalab ka hortag uureysi.
Sprida sexuella bilder på andra
Faafin sawirro galmo ee dad kale
In la faafiyo sawirro galmo qof aan taas raalli ka ahayn waa fal dembi. Wax macne ah kuma fadhido haddii sawirada si ikhtiyaar ah loo soo diray ama haddii si qarsoodi ah loo qaaday. Sharci ahaan, waxay noqon kartaa faragelin shakhsiyadeed ama aflagaaddo. In si dhuumasho ah loo sawiro qof kale jirkiisa, tusaale ahaan iyada oo lagu jiro qolka labiska, qolka tijaabada, musqusha ama guriga ayaa marka sharciga la eego loogu yeeri karaa sawirqaadis meel ka dhac ah.
Steril
Madhalays
Marka qofku uusan uur yeelan karin qofna uusan uurayn karin.
Sterilisering
Qalliin madhalaysnimo
Qalliin ka yeelaya inuusan qofku uur yeelan karin ama qof uurayn karin.
Sträng
Xadhig maqaar ah
Maqaarka oo u dhexeeya dhalfada iyo guska. Sido loo yaqaan frenulum.
Stånd
Kacsi
Marka guska ama kintirka uu dhiig ka buuxsamo, wuxuu noqdaa mid adag, koraya kadibna kor u kacaya. Sidoo kale loo yaqaan kacsiga.
Svampinfektion i underlivet
Caabuq fungal
Caabuqa samaysma markuu fangas khamiir bilaabo inuu ku kobco gudaha ama dibadda siilka. Astaamuhu waxay noqon karaan cuncun ku dhaca gudaha iyo dibedda siilka ama casaan iyo barar ku yimaada xuub-axaleedyada iyo dheecaanno caddaan xigeen ah oo ka yimaada siilka.
Svällkropp
Nud kacsi
Nooc ka mid ah nudaha xubnaha taranka. Nudaha kacsiga waxaa laga helaa guska iyo kintirka labadaba.
Syfilis
Waraabow
Waraabowgu waa cudur galmada lagu kala qaado oo inta badan aan lahayn wax astaamo ah laakiin meelaha uu cudurku ku dhacay ka keeni kara boogo yaryar. Waraabow aan la daaweynin wuxuu, sanado badan ka dib, horseedi karaa cudurro halis ah oo saameyn kara wadnaha iyo habdhiska dareenwadka. Waraabowga waxaa lagu daaweyn karaa qallajiye (antibiotik), wuxuuna ka mid yahay cudurrada hoos yimaada Sharciga ka hortagga cudurrada faafa.
Qayb ka mid ah xubinta taranka ee guska. Dhuumaha shahwada ayaa waxaa lagu raraa shahwada oo la geynay kaadimareenka marka qofku biyo baxayo.
Säkra perioder
Wakthi amaan ah
Muddada amaanka waxay ka dhigan tahay in qofku galmo sameyn karo inta lagu jiro muddadaa khatarta uurqaadistana ay yar tahay.
Säkrare sex
Galmo amaan ah
Galmada la isticmaalayo cinjir kahortagga uurkaama galmada loo sameeyo hab aan lahayn ama ku yartahay khatarta gudbinta cudurrada galmada lagu kala qaado.
T
Tafsning
Taabashada xun
Markuu qof taabto jir qof kale isagoon qofka kale taas dooneynin, tusaale ahaan barida, naasaha, bowdada ama xubinta taranka. Taabashada noocaas ah waa sharcidarro oo waxaa sharciga xaggiisa loo yaqaan faduulin galmo la xiriirta. Eeg xadgudubyo galmo iyo dulmi galmo.
Tampong
Taambooni
Waa hab ilaalin oo aad ku isticmaali karto xilliga caadadu joogto. Taambooniga waxaa la geliyaa siilka waxayna nuugtaa dhiigga.
Testa sig
Is tijaabin
In saami laga qaado afka, siilka iyo futada si loo ogaado inuu qofku qabo cudurrada galmada lagu kala qaado. Saamiyada la qaado waxaa sidoo kale ka mid ah saamiyo kaadi iyo saamiyo dhiig.
Testikel
Xiniin
Waxay ka mid tahay xubnaha taranka jirka gudihiisa ku jira hadduu qofku yahay mid gus leh. Xiniinyuhu waxay ku jiraan kiishka xiniinyaha. Waxay soo saaraan shahwada iyo hormoonnada qaarkood.
Testikelvridning
Wareejinta xiniinyaha
Marka xiniinyaha isku rogaan gudaha kiishka xiniinjaha.
Tidig utlösning
Shahwada wakhti hore
In la biyo baxo muddo aad u gaaban kadib marka qofku galmo sameeyo. Waxaa kaloo loo yaqaan biyobax degdeg ah.
Tjatsex
Galmo hadal badan ku kasbid
In qof aan galmo rabin lagu sii wado su’aalo, qalqaalin iyo cadaadis looga dhaadhicinayo in galmo lala yeesho. Galmo hadal badan lagu kasbanayo waa galmo aan lagu wada qanacsanayn.
Transfobi
Transfobia
Fikrado, ra'yi, ama dareemo taban oo ku wajahan dadka transjenderka ah ama sideedaba transjendernimada. Badanaa waxaa lagu muujiyaa cuqdad, quudhsi, caro, nacayb ama gacanqaad.
Transkvinna
Naag transjender ah
Qofka ku dhashay isaga oo gus leh oo markuu dhashay la siiyay jinsiga sharciyeed ee “rag” balse gudaha ka dareemaya in uu yahay qof dumar ah.
Ahaanshaha trans ama transjender micneheedu waa in la jebinayo nidaamyada bulshada u yaal xag jinsi, muujin jinsi iyo aqoonsi jinsi. Waxyaalaha ay transjenderku isaga mid yihiin waa iyadoo aqoonsigooda jinsi iyo/ama muujintooda jinsi aysan waafaqsanayn jinsiga uu sharcigu u qoray marka ay dhasheen. Transjenderku, sida dadka kale oo dhan, waxay yeelan karaan jihayn galmo kala duwan. Eeg iyana naag transjender ah, nin transjender ah iyo aan baynari ahayn.
Trekant
Saddex geesood
Marka saddex qof ay isku galmoodaan isla markiiba.
Tvångsäktenskap
Guur khasab ah
Marka qof xoog, ku hanjabid fal‑dambiyeed ama isagoo ka faa’iideysanaya ruux kale xaaladdiisa ku tiirsanaanta ah uu ruuxaas ku khasbo guur. Iswiidhan waa ka sharcidarro, qaanuun ahaanna waxaa loo yaqaan guurka khasabka ah.
Qof ama shay, kacsiga ama xamaasadda ay qof kale ku abuuraan.
U
Ultraljud
Codka ultrada
Baaritaan lagu heli karo taswiir uurjiif oo dhaqaaq leh.
Underliv
Xubnaha hoose ee taranka
Gus iyo siil labadaba ayaa loo yaqaan xubnaha hoose ee taranka.
Undersköterska
Kalkaaliso hoose
Waxay ka shaqaysaa xannaanada waxku’oolka ah ee adeegyada caafimaadka, daryeelka waayeelka iyo adeegga guryaha.
Ungdomsmottagning
Qaabilaada dhallinyarada
Qaabilaada dadka da’doodu u dhaxayso 13 iyo 23 sano (mararka qaarkood 25 sano) ayaa waxay heli karaan baaritaan caafimaad, qalab ka hortagga cudurrada, warbixin ku saabsan galmada iyo xiriirka ama daaweynta.
Upphetsad
Kacsi
Dareenka jirka in qofku doonayo galmo naftiisa ama qof kale.
Urininkontinens
Xukun la’aanta kaadida
Aan awoodin in la xakameeyo marka qofku kaadinayo. Sidoo kale waxaa loo yaqaan baxsiga kaadida aan ikhtiyaarka lahayn.
Urinrör
Kaadi-mareen
Xubin u eg dhuun dhuuban oo ku taal xubinta taranka oo inoo saamaxda inaan kaadino. Kaadidu waxay soo martaa kaadimareenka markay ka timaaddo kaadihaysta.
Urinvägsinfektion
Caabuqa marinnada kaadida
Caabuq ku dhaca qaybo ka mid ah kaadimareennada oo ay keento bakteeriyada. Astaamaha caadiga ah waxaa ka mid ah qofka inay kaadidu gubto iyo inuu marar badan kaadiyo.
Urolog
Takhtarka marinnada kaadida (Urolog)
Takhtar ku takhasusay marinnada kaadida. Urologga waxaa diiradda u saaran qalliinka iyo daawo ku dabiibka cudurrada ku dhaca marinnada kaadiada dadka leh siilka iyo guska, labadaba. Urologgu wuxuu iyana takhasus u leeyahay gus iyo kiish xiniinyo.
Utlösning
Biyo-bax
Markuu dheecaan ka soo baxo guska, taasoo badanaa kacsi la xiriirta. Ereyga kale waa shahwo-bax. Biyo‑baxu waa iyana markauu dheecaan ka yimaado kaadimareenka qof siil leh, taasoo badanaa kacsi la xiriirta.
Utomkvedshavandeskap
Uur dibadeed
Dhibaato xilliga ah uurka, taas oo ay macneheedu tahay in ugaxda la bacrimiyay ay ku dhegto meel ka baxsan ilmogaleenka, gudaha dhuunta faloob.
V
Vaccination
Tallaal
Si aad u hesho tallaal ka difaacaya cudurrada qaarkood. Tallaalku wuxuu bilaabayaa nidaamka difaaca jidhka ee la dagaalama waxa keena cudurka, sida bakteeriyo ama fayras.
Vagina
Dheer
Qayb ka mid ah xubnaha taranka haweenka. Dheertu waxay ku taal jirka gudihiisa, balse ereyga waxaa marmar loo adeegsadaa in lagu sifeeyo xubnaha taranka ee ku yaal jirka gudihiisa iyo dibeddiisa, labadaba. Waxaa xataa loo yaqaan siil.
Vaginal kondom
Cinjirka siilka
Cinjir loo adeegsado ka hortagga uuraysiga oo la gelin karo gudaha siilka ama futada marka la sameynayo galmo ah in gus la geliyo gudaha siilka ama futada. Waxaa loo yaqaan femidom (kondomka haweenka).
Vaginalsex
Galmada siilka
In galmo lagu sameeyo siilka, tusaale ahaan ayadoo la isticmaalayo faraha, ciyaaraha galmada ama guska.
Vaginism
Vaginism
Siilka oo koga marka la isku dayo in gudihiisa wax la geliyo. Waxay taasu dhici kartaa marka taambooni la geliyo, marka lagu jiro baaritaaka takhtarka dumarka, marka galmo ama seego la iskudayo. Waxaa iyana loo yaqaan jiiraggo’ siil.
Vara gift
Xaas leh
In xiriir guur lala galo qof kale oo ka weyn 18 sano.
Vara ihop
Xiriir la yeelato
In xiriir jacayl qof lala leeyahay.
Vara kär
Caashaqid
In qof loo qabo dareen xooggan iyo jacayl aad u badan.
Vara tillsammans
Wada socosho
In xiriir jacayl qof lala leeyahay.
Vattnet går
Biyuhu way socdaan
Marka xuub axaleedyada ku dahaarnaa uurjiifka ay dillaacaan oo biyaha ku jiray ilmagaleenka ay ka soo daataan qofka uurka leh.
Venusberg
Buurta venus
Meesha buuran ee ka sareysa dibnaha siilka.
Vulva
Vulva
Qaybaha dibedda xiga ee xubinta taranka qof leh siil/dheer. Waa qaybta ka muuqata jirka dibeddiisa.
Vulvodyni
Vulvodynia
Xanuun gudaha iyo agagaarka siilka. Meesha ugu xanuunka badan caadiyan waa daloolka siilka. Waxaa iyana loo yaqaan vestibulit.
Våldtäkt
Kufsi
Kufsi waa marka qof uu qof kale oo aan raali ka ahayn u galmoodo ama ku sameeyo fal u dhigma galmo. Taasi waa dembi. Sidoo kale waa mamnuuc in loo galmoodo qof hurda ama laga faa’iideysto qof khamri ama mukhaaddaraad kale la maandoorsan. Waxaa xitaa kufsi ah haddii galmadu ay ku timid xoog ama hanjabaad. Eeg xadgudubyo galmo iyo xadgudub galmo.
Våldtäkt mot barn
Kufsi ilmo
Marka qof uu u galmoodo ilmo ka yar 15 jir, iyada oo juqaynta loo adeegsanayo siil, af, futo ama shay. Wax macne ah ma laha hadday ilmuhu iyagu bilaabeen ama raalli ka ahaayeen galmada. Waxay kaloo ka dhici kartaa barta internetka. Eeg xadgudubka galmada ee carruurta.
Vårdcentral
Xarun caafimaad
Rug la tagi karo marka la xanuunsan yahay, halkaasoo ugu horrayn lagula kulmo kalkaalisooyin caafimaad iyo takhaatiir, hase ahaatee waxaa iyana halkaa lagula kulmi karaa lataliyaha arrimaha bulshada (kurator) ama cilmi‑nafsiyaqaan.
Vårtgård
Areola
Aag wareegsan oo ku heeraarsan ibta naaska. Areoladu wey ka madowdahay oo ka qallafsan tahay maqaarka naaska intiisa kale.
Ä
Äggledare
Marin ugxaneed
Xubno qaab dhuumeed leh oo ugxansidayaasha ku xiriiriya ilmogaleenka.
Ägglossning
Ugxanayn
Ugxanayntu waxay qeexeysaa nidaamka ay ugax uga soo go’do ugxansidaha oo ay u soo dhex marto marin ugxaneedka ilaa ay ka soo gaareyso ilmogaleenka.
Äggstock
Ugxan-side
Qayb ka mid ah xubnaha taranka qof ilmogaleen leh, oo ku jirta gudaha jirka. Waxaa jira laba ugxan-side. Halkaan waxaa ku jira abuurka ugaxda.
Älska någon
Qof jacayl
Dareen adag oo muujinaya jacaylka qof loo qabo.
Ändring av juridiskt kön
Beddelka jinsiga sharciyeysan
Qof ka weyn 16 jir wuxuu beddeli karaa jinsigiisa sharciyeysan isagoo taas ka codsada Hogganka arrimaha bulshada (Socialstyrelsen). Si loo codsado waxaa marka hore loo baahan yahay in lala xiriiro waax daryeel caafimaad oo laga helo caddayn muujinaysa in la buuxinayo sharuudaha sharciga. Haddii laga yar yahay 18 jir waa inay mas’uulhayeyaashu xareeyaan codsiga. Eeg xataa jinsi sharci ah, daryeelka sixidda jinsiga, baaritaanka jinsiga, niyad xumada jinsiga iyo qof transjender ah.
Ö
Ömsesidighet
Laba dhinac ah
In dhammaan dadka isku galmoonaya ay yihiin kuwo galmada doonaya, galmaduna ay u dhacayso hab dhammaan dadka ka qaybqaadanaya ay wanaag ku dareemayaan.
Öppen relation
Xiriir furan
Xiriir dadka uu ka dhexeeyo ay ku heshiiyeen in xitaa galmo iyo xiriirro jacayl ay dhex maraan iyaga iyo dad xiriirkoodaas ka baxsan.