Jir, caafimaad iyo jinsinimo oo afaf kala duwan ah

Xilliga ka dambeeya xilliga ummulidda

After giving birth

Warbixin ku saabsan filimka

Xilliga ka dambeeya xilliga ummulidda wuxuu keenaa isbeddel weyn, jir ahaan iyo maskax ahaan labadaba. Filimkaan waxaad ka ogaaneysaa waxa ka dhaca jirka gudihiisa marka aad ummusho ka dib, sidaa aad ku yarayn karto xanuunka caadiga ah iyo meesha aad caawimaadda u raadsan karto haddii xilliga ummulidda ka dib ay dhibaato kula soo deristo. 

Su'aalo ka fakerid mudan filimka ka dib

  1. Ma jiraan wax filimka ku jira oo aad u aragto inay xiiso dheeraad ah leeyihiin?
  2. Fooshu waxay kicin kartaa dareemo badan, kuwo togan iyo kuwo taban labadaba. Waa sidee sida ugu wanaagsan ee loo taageeri karo qof foosha ka dib ay caafimaaddarro la soo deristay? Sidee buu waqtigu foosha ka dib ku noqon karaa waalidka aan ilmaha foolan?
  3. Waa caadi in qofku foosha ka dib damaciisa galmo uu yaraado. Xanuunka, walbahaarka iyo daalka waxay saamayn karaan damaca. Marnaba looma baahna in galmo "la isu dhigo" haddaan niyad loo haynin. Dareemadee ayuu kicin karaa hoosudhaca damaca galmadu? Maxaad samayn kartaa si aad ugu dhawaato lammaanahaaga adigoon u galmoon?

Ma dooneysaa inaad filimka ka hadasho?

In qof filimka lagala sheekeysto waxaa loo arki karaa muhiim, waxayna dhalin kartaa fahan cusub. Waxaa laga yaabaa inaad qabto su'aalo iyo fikrado ay ku wanaagsan tahay inaad dadka kale la wadaagto meeshii aad keligaa ka fikiri lahayd. Marka wax la wada qaybsado oo la is maqlo, waxaan heli karnaa taageero oo wadajir ayaynu wax ku baran karnaa.

Ma dooneysaa inaad koox abaabusho oo aad aflaanta ka hadasho? Halkaan ayaad ka heleysaa talooyin ku saabsan sida aad samayn karto.

Aflaan la xiriira

Muuji dhammaan aflaanta